O.A: Said Ahmed, Tusaalaha muuqdo ee guuleysashada barnaamijka intro..

0
95

Wargeyska lokalka ah ee Oppland Arbeidsblad ayaa warbixin dheer ka diyaariyay barnaamijka introduksjonprogramka ee loogu talo-galay dadka wadanka ku cusub. Waxeyna sheegeen in 60% boqolkiiba dadka barnaamijkaas ku qaata deegaanka Gjøvik ay shaqo bilaabaan ama ay bilaabaan waxbarasho dugsi sare iyo kasii dheer ah.

Said Ahmed oo ah 32 jir Soomaali ah ayaa ka mid ahaa dadka barnaamijkaas ku qaatay magalaada Gjøvik, wuxuuna Norway yimid afar sano kahor. Sida uu qoray wargeyskaas qorayo, Said ayaa muujiyay dadaal dheeri ah, kadib markii uu sifiican uga faaidaystay intii uu ku jiray introduksjonprogma. Isagoona isku dhex waday wax barashadiisa iyo shaqooyin yar iskuulka kadib.

Said waxuu ku tala jiray inuu noqdo Dataingeniør, lakiin waxuu goaansaday ka hor inuu uu qaato leysan baska, taasoo uu ku guuleystay uga danbayn dadaal dheer kadib. Said ayaa O.P u sheegay inuu ku soo dhacay imtixaanka teoriga basska markii koobaad, laakin aysan taasi ka niyad-jabin hamigiisii ayaa inuu qaado leysanka, waxuuna si praksis ah ugu shaqeeyaa Nettbuss. Isaga oo rajaynayaa inuu dhawaan shaqo toos ah ka helo markii uu dhamaysto waqtigiisa praksiska.

Said ayaa waxuu muujiyay inuu qofku waxbadan qabsan karo mudo koobaan gudaheed, isagoo wadanka ku cusub isagoona waliba sifiican luuqada u aqoon. Waana sababta keentay in wargeyskaas uu maanta cadadkiisa kusoo qaato, isaga oo ka dhigay tusaalaha muuqdo ee guuleysiga barnaamijka introga.

Xigasho/kilde: Oppland Arbeidsbladet.no  

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments