Digniin ku socoto soomaalida Norway: U diyaar garooba duufaan dhanka warbaahinta ah

1
237

Isbuuc kahor ayey aheyd markii booliska Somaliland ay howgal ku qaadeen goob dugsi quraan ah, halkaas oo ay ku xareysnaayeen gabdho laga keenay qurbaha. Waxaana gabdhaha halkaas laga soo qabtay kamid ahaa labo gabdhood oo heysto dhalashada dalkan Norway, iyada oo sidoo kalena mid kamid ah milkiilayaasha goobtaas uu heysto jinsiyada Norway. Halkan ka akhri warkaas.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso ilo xog ogaal ah, waxaa magaalada Hargeysa maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Team warbaahineed oo ka socdo Tv-ga qaranka Norway ee NRK. Kooxdaas NRK ka socoto, ayaa Hargeysa u tagay si usii dabagalaan, isla markaana ay warbixino uga soo diyaariyeen dhacdadaas hargeysa iyo guud ahaan xaalada caruuraha dhaqan-celiska loo geeyo Soomaaliya.

Sida ay noo sheegeen dadka aan warka kasoo xiganeyno, NRK ayaa sidoo kale la kulmay gabadhii dugsiga kasoo fakatay ee sheegtay in goobtaas ay ka socdeen jirdil loo geysto gabdhaha halkaas ku xareysnaa. Iyada oo uga xogbixisay qaabka ay u shaqeeyaan dugsiyada quraanka iyo in waalidiinta soomaalida ay caruurtooda kaligood diraan, iyagana ay Yurub nolol fiican ku heystaan.

[adsenseyu2]

Sida aan xogta ku heyno, NRK waxaa sidoo kale gacan siinayo oo howsha qeyb ka qaadanayo safaarada Norway ee Kenya.

Duufaan dhanka warbaahinta ah iyo doorashada oo soo dhow:

Waxaa nagu maqaalo ah in NRK uu barnaamij iyo muuqaal dheer uu arintaas kasoo diyaariyay, isla markaana uu soo sii deyn doono maalinta sabtida ah ee nagu soo aadan ama kahor. Lama ogo qaabka ay NRK u dhigi doonaan muuqaalkaas iyo waxyaabaha ay kusoo qaadan doonaan, laakiin waxaa hubaal ah in muuqaalkaas uu xumaan iyo samaanba saameyn ku yeelan doono bulshada soomaaliyeed ee reer Norway.

Waxaan ognahay ama aan la soconaa qaabka ay warbaahinta Norway u buun-buuniso xumaanta dadka soo galootiga ah, gaar ahaan soomaalida. Sidaas darteed waxaa fiican in loo diyaar-garoobo, sida ugu fiicana looga jawaab-celiyo hadii uu muuqaalkaas noqdo mid negativ ah oo soomaalida saameyn ku yeelan karo.

Bishii April ee Sanadkii 2014, ayaa waxaa sidaas oo kale soo baxay rapport iyo warbixin ku saabsaneyd caruurta la celiyo, taas oo mudo isbuuc ah gil-gishay ajaaniibta oo dhan, gaar ahaan soomaalida oo mar walba maato dayacan u ah dhibaato walba oo timaada.

Sidii dhacday 2014 yaan la isgarab ordin ee si qurux badan oo fiican haloogo jawaabo, waa hadii uu muuqaalkaas soo baxo oo qaab negativ ah oo guracan loo diyaariyo.

Waxaan ognahay in soo dhowdahay doorashadii 2017, xisbiyadu ay raadinayaan olole-siyaasadeed oo ay codad ku kasbadaan. Siyaasada soo galootiga waa qodob kamid ah kuwa ugu waaweyn ee sanadkan miiska saaran, sidaas darteed waxaa dhici karta in dooda ka dhalata muuqaalkaas ay dhaliso dood kale oo siyaasadeed, taas oo  keeni karto isbadalo dhanka sharciyada ah.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Jabra Bijabra
Jabra Bijabra
6 years ago

hala xidhxidho soomaalina afhayeen umanihin, habluhuna waa cawro weliba qaan gaar ahayd waxay ahayd in ay raacaan hablahooga oy la joogaan intey wax baranayaan lakin maaha hai weareerinta iyo caydha in ay aruursadaan hablo yar yarooo NorWay ku dhasheyna cidlo dhigaan weliba school bording ah! the best option waa in ay nin ku daraan wey qaboobiye.