fredag, april 19, 2024

Ninkii weerarka ka geystay Sweden oo caafimaadkiisa maskaxeed la baaray, lana ogaaday in..

Rakhmat Akilov oo ah ninkii ka danbeeyay weerarkii argagaxiso ee magaalada Stockholm bishii Abril ee sanadkan, ayay dowlada Sweden ku sameysay baaritaan dhanka caafimaadkiisa masxaxda ah. Waxaana lagu ogaaday inuusan maskax ahaan u xanuunsaneyn, sidaas darteed loo maxkamadeyn karo sidii qof caadi ah.

Ninkan ayaa wali ku xiran xabsiga Stocklom, iyada oo natiijada baaritaanka caafimaadkiisa maskaxeed loo diri doono maxkamada Stocklom, halkaas oo lagu qaadi doono dacwadiisa.

Weerarka uu geystay Rakhmat Akilovka ayaa waxaa ku geeriyooday shan qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa sideed qof oo kale. Booliska sirdoonka Sweden ee säpo ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagaxiso.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige.Se

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x