torsdag, april 25, 2024

Norway oo war hordhac ah kasoo saartay shirka London ee Somalia looga arinsanayo

Waxaa lagu wadaa in maalinta bari ah uu magaalada London ka furmo shirka London Somalia Conference, shirkaas oo ah meel heerkiisu uu sareeyo, looga arinsanayo arimaha Soomaaliya. Waxaana shirkaas shir gudoomin doono madaxweynaha dowlada Soomaaliya M.A Farmaajo, Reysulwasaaraha U.K, Theresa May iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres.

Norway ayaa shirkaas u dirtay wafdi ka socdo wasaarada arimaha dibada, kaas oo ay hogaamineyso xoghayaha arimaha horumarinta ee wasaarada arimaha dibada Norway Tone Skogen. Halkan ka akhri warkaas. 

[adsenseyu2]

Dowlada Norway ayaa webkeeda rasmiga ah ee internetka kusoo daabacday, war qoraal ah oo ay uga hadleyso muhiimada uu shirkaas leeyahay iyo qeybta ay Norway ka qaadaneyso. Waxaana lagu xusay in Norway ay kamid tahay dowladaha sida joogtada ah uga shaqeeyo xasilinta iyo nabad kusoo dabaalinta Soomaaliya.

Mowduucyada ugu waaweyn ee shirkaas looga hadli doono ayaa ah dhaqaalaha amniga iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada ay beesha caalamku siiso Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga ka socdo dowlada Norway ee shirkaas ka qeybgalaya ayaa subaxnimada bari, ka qeybqaadan doono shir gaar ah oo looga hadli doono abaaraha Soomaaliya iyo geeska Afrika guud ahaan.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x