DF: Soomaalida ilmahooda celisa wadanka halaga bixiyo.

0
138

Waalidiinta soomaalida ah ee ilmahooda dhaqan-celiska ahaan u geysa Soomaaliya, waa in Denmark laga bixiyaa oo wadankoodii loo celiyo.

Waxaa hadalkaas shaley warbaahinta iyo TV-yada dalka Denmark lasoo indho-cadaa Martin Henriksen oo afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga DF(Keshvariga Denmark).

Hadalka ninkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo warbaahinta Denmark ay shaley ilaa maanta si aad ah u hadalheyso, dhacdadii Hargeysa iyo gabdhihii laga soo qabtay goobta dugsi quraanka ah, kuwaas oo labo ilaa sadex kamid ah ay heystaan dhalashada Denmark.

[adsenseyu2]

Martin oo kasoo jeeda xisbiga xagjirka midigta fog ee Dansk Folkeparti ayaa raaciyay:

Waalidiinta soomaalida ah wax mustaqbal ah kuma lahan halkan, hadii ay ilmahooda dhaqan celin ugu diraan Soomaaliya. Waa in laga qaadaa sharciyada dal kujooga, dalkoodiina dib loogu celiyaa. Sidoo kale waa in dowladu ay qiimeyso in caruurtooda si qasab ah loogala wareego.

Siyaasigan ayaa sii raaciyay in waalidku ay kasoo bixi waayeen waajibaadkii waalidnimo ee ka saarnaa caruurta, hadii ay caruurtooda u dhaqan-celiyaan Soomaaliya, sababtoo ah waxey qaateen dhaqanka Danishka.

DF ayaa ah xisbiga sida weyn ugu ololeynayay in dib u qiimeyn lagu sameeyo sharciga magangalyada 800 ee qoxootiga soomaalida ah.

SF: Waalidka ilmahooda celiyo halaga jaro kaalmada dowlada.

Xisbiga kale ee SF oo kamid ah xisbiyada siyaasada dalka Denmark, ayaa sidoo kale soo jeediyay in lacagta kaalmada dowlada gabi ahaanba laga jaro waalidka dhaqan-celinta ku sameeyo ubadkooda.

Duufaantii Norway kasoo bilaabatay ayaa durba u gudubtay Denmark, iyada oo siyaasiyiinta dalkaas ay ku tartamayaan ka faa´iideysashada iyo dano gaar ah u adeegsiga dhacdadan.

Xigasho/kilde: Jylandposten.dk, TV2.DK 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments