fredag, april 19, 2024

Masuuliyiin ka socdo wasaarada macdan iyo batroolka Soomaaliya oo safar qarsoodi ah ku yimid Norway

Waxaa sadexdii maalmood ee ugu danbeeyay dalkan Norway booqasho ku joogay, masuuliyiin ka socdo wasaarada batroolka iyo macdanka dowlada federalka ah ee Soomaaliya. Kuwaas oo shirar kala duwan oo isdabo joog ku qaatay magaalada Oslo, kahor inta aysan shaley ka dhoofin garoonka diyaaradaha Oslo.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso ilo xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo, waxaa masuuliyiintan hogaaminayay wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo batroolka Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Warsame.  Sidoo kale waxaa wasiir ku xigeenka la socday garyaqaano iyo ingineero dhowr ah, kuwaas oo ku weheliyay safarkiisa uu ku yimid Oslo iyo waliba kulmada uu ku qaatay Oslo.

[adsenseyu2]

Safarka ay masuuliyiintan ku imaadeen Oslo, ayaa gabi ahaanba ahaa mid qarsoonaa, mana cada ujeedada dhabta ee ka danbeyso safarkooda iyo waxa ay ku saabsanaayeen shirarka ay galeen. Iyaga oo isku dayayey inay qariyaan wax kasta oo raad ah oo tilmaami kara safarkooda Norway.

NorSom News ayaa isku deysay inay wareysi la yeelato qaar kamid ah wafdigaas oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay, balse wey diideen inay wax faah-faahin ah ka bixiyaan ujeedada safarkooda.

Norway ayaa kamid ah wadamada saameynta balaaran ee muuqata ku dhex leh siyaasada Soomaaliya, iyada oo Soomaaliya lagu tuhmayo iney leedahay kheyraad shidaal oo dihin, kaas oo aan wali lasoo saarin ama laga faa´iideysan. Norway ayaa kamid ah wadamada ugu horeeyo caalamka ee xaga shidaal qodista, gaar ahaan kan bada hoosteeda laga soo saaro.

Kheyre oo kusoo wajahan NORWAY:

Bartamaha bisha soo socoto ee Juni, waxaa lagu wadaa inay Norway soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo reysulwasaaraha Soomaaliya Hassan Ali kheyre iyo masúuliyiin kale oo ka socdo dowlada Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyay in safarka wasiirka ku xigeenka wasaarada batroolka uu hordhac u yahay safarka Hassan Kheyre ee bisha danbe.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x