Denmark oo dalkeeda ka mamnuucday wadaado caan ah

0
167

Wasaarada arimaha soo galootiga iyo socdaalka dalka Denmark, ayaa soo saartay wareegto ay ku mamnuuceyso, in Denmark aysan  soo gali karin lix qof oo ay sheegtay inay fidinayaan naceyb ka dhan ah shacabweynaha reer Denmark.

Waxaana lixdaas qof kamid ah wadaado caan ka ah dunida islaamka, sida sheekhyada caanka ah ee Cabdirahman Al-cariifi, Salmaan al cowdah, Dr. Bilal Philips iyo mufakirka reer Urdun ee Mohammad Rateb Abdalah Al-Nabulsi. Halkan ka daalaco liiskan oo dhan. 

[adsenseyu2]

Lixda qof oo ay Denmark mamnuucday safarkooda, ayaa waxaa sidoo kale kamid ah wadaadka christianka caanka ah ee Terry Dale Jones. Ninkan ayaa ahaa ninkii sanado kahor gubi jiray kitaabka quraanka kariimka  ah.

Denmark ayaa sheegtay in lixdan qof ay faafinayaan fikiro naceyb ah, kuwaas oo meel kaga dhici kara kdhaqamada iyo qayimka Denmark. Waxeyna mamnuucistooda socon doontaa labo sano, kadib ayey hadana dowladu mar labaad qiimeyn doontaa in loo kordhiyo iyo inkale.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER. 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments