tirsdag, april 23, 2024

TV2 oo muuqaal ka diyaariyay Mubarak Taleb: Wiilkii sharciga jinsiyada loo soo celiyay

Maalin kahor ayey aheyd markii baarlamaanka Norway uu isku raacay, in caruurta aan laga qaadi karin sharciga jinsiyada, hadii waalidkood lagala noqdo jinsiyada Norway, sababo la xiriira inay ka been-sheegeen aqoonsigooda. Halkan ka akhri warkaas. 

Muuqaal-baahiyaha TV2 ayaa muuqaal arintaas la xiriira ka diyaariyay Mubarak Ahmed Taleb oo ah wiil Jabuuti-norwiijiyaan ah, kaas oo dib loogu soo celiyay sharciga jinsiyada Norway, kadib markii laga qaaday labo sano kahor. Mubarak ayaa wadanka ku imaaday caruurnimo, waxaana u dacwooday oo wadanka kaga soo horeeyay walaalkii ka weyn iyo aabihii. Hoos ka daawo muuqaalkaas. 

[adsenseyu2]

Sanadkii 2013 ayay UDI-da sharciga ka qaaday walaalkii ka weyn, kaas oo ugu danbeyn dib ugu noqday wadankii uu kasoo jeeday uu Jabuuti. Mubarak walaalkii ka weyn, Khaled Ahmed ayaa sheegtay inuu Soomaaliya kasoo jeedo, isaga oo xaqiiqo ahaan kasoo jeeday wadanka Jabuuti(waa sida ay UDI-du sheegtay, markii danbana cadaatay).

Kadib markii Khaled lagala noqday sharciga jinsiyada, waxaa iyagana sharciga laga qaaday Mubarak iyo gabar kale oo la dhalatay, kuwaas oo wadanka qaab dacwo ahaan ku imaaday  Dagaal dheer kadib, labo bilood kahor ayey hey´ada UNE Mubarak usoo celisay sharcigiisa jinsiyada, kadib markii uu sheegay inuu maxkamada la fuuli doono dowlada Norway. Halkan ka akhri warkaas. 

Waxaa iyadna xusid mudan in Mubarak walaalkii uu kamid ahaa dadkii ku geeriyooday xasuuqii Utøya, sidoo kalena Mubarak iyo waliba Khaled Ahmed ayaa kamid ahaa dadkii ka bad-baaday xasuuqaas uu geystay gacan ku dhiigle Anders Breivik.

Baarlamaanka Norway ayaa hada ansixiyay in caruurta aan laga qaadi karin sharciga dhalashada, hadii ay cadaato in waalidku uu ka been-sheegay aqoonsigiisa. Hadii sharcigaas uu jiri lahaa labo sano kahor, Mubarak lagama qaadeen sharciga dhalashada.

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x