torsdag, mars 28, 2024

Reysulwasaaraha Sweden: Argagixisadu waa burcad diimeed rabta in muslimiinta laga naco dalalka ay soo galootiga ku yihiin

Reysulwasaaraha dalka Sweden, Stefan Löfven oo khudbad ka jeedinayay isku soo baxa maalinta shaqaalaha aduunka, ayaa balanqaaday in dowladiisu ay dar-dar galin doonto wax ka baqashada iyo feejignaanta dhanka amniga, isaga oo ka codsaday shacabweynaha reer Sweden inay si wadajir ah u shaqeeyaan. 

Löfven ayaa sidoo kale khudbadiisa kusoo qaatay weerarkii argagaxiso ee dhowr isbuuc ka dhacay magaalada Stocklom, isaga oo sheegay in kooxaha argagaxisadu ay yihiin burcad diimeed aan diina heysan.

– Argagixisadu diin ma matalaan, ujeedada ay leeyihiina waa in muslimiinta degan dalalka ay qarxinayaan la naco, laguna kaco, dhibna loogu geysto. Markaas kadibna dadkaas muslimiinta ah ee la dhibey,  ay argagixisada ku biiraan. Sidaas ayey argagixisadu rabtaa ama qorsheheedu yahay.  Balse taas ka yeelimeyno, dadkaasna u gacangali-meyno, waayo waa dad aan dagaal iyo dhib toona wadin, argagixisadu diin ma matalaan ee waa danbiilayaal burcad ah. 

Stefan Löfven ayaa sidoo kale digniin u diray dhalinyarada dhagxaanta ku tuurta booliska, baabuurka gar-gaarka deg-dega ah iyo kuwa dab-damiska, isaga oo sheegay in uu soo dhamaaday dulqaadkii ay dowladu u heysay dhalinyaradaas. Hadana wixii ka danbeeyana ay booliska kula dhaqmi doonaan gacmo adag.

Xigasho/kilde: Radio-sverige

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x