Xafiiska badbaada bulshada ee norway qaybtiisa Oslo, waxaa uu soo saarey qoraal ku saabsan dhalinyarada xashiishada ama daroogada ku iibiya meesha loo yaqaano Vaterland oo kutaala xaafada Grønland ee Oslo, ahna Boosta grønlabd horteeda. Meeshaas oo ah meeldadbani oo soomaaliyeed oo Oslo degan, ay arkeen dhalinyo habeen iyo dharaarba halkaa taagan.
Dhalinyaradaasi waxaa dhalay waalidiin ajinabi ah ama waalidkood kuma dhalanin wadankan Norway. Dhamaantood dhalinyaradaasi waxay iibiyaan hasj ama kokain iyo wax yaa bo kale oo mamnuuc ah. Rapportaka la soo saarey wuxuu cadeynayaa dhalinyaradaasi iney qiyaastii tiradoodu tahey 70-80 oo ii biiya daroogada. Intooda badani waxay kayimaadeen qoysas aad u balaadhan o faqri ah, waalidkuna aanu shaqaynin. Waxay dhigteen iskuulo laakiin may dhameysanin, dhamaantoodna maheystaan shaqo iyo wax barasho midna. Waxayna dhaqaale ka helaan oo kaliya daroogada ay iibiyaan. Intooda badani maheystaan guryo si rasmi ah ay u dagan yihiin.
Xafiiska shaqadu waxaa uuu cadeeyey iney adagtahey in la caawiyo dhalinyarada maheystaan aqoon iyo khibrad ay shaqo ku lehaan waxaana loo rajisgareeyey ama loo diwaangaliyey iney yihiin dhalinyaro dambiileyaal ah.
Waalidiinta intooda badani waxay haysta caruurta badan wakhti uma hayaan iney wakhti siiyaan ama daba socdaan ilmaha kadhaca nolasha ee gala daroogada ama danbiyada. Intooda badan waxay la noolyihiin hooyin kali ah, oo aabuhu guriga waa ka maqanyahey.
Dhalinyaro fara badan waalidkood kuma noola wadanka oo waxay doonayaan iney helaan lacag ay udiraan walidkooda oo ku dhibaateysan wadankoodii hooyo ama wadamada jaarka ah.
Dhalinyaradaasi waxay la kulmaan takoor oo ay kala kulmaan mujtamaca norwayjiga, waalidiinta, asaxaabya, diinta iyo umadiisa soomaaliyeed. Taasina waxay ku keentaa culeys dhinaca nolosha ah.
Dhalinyaradaa waxay ka qatanyihiin dhammaan fursadaha waxbarasho, shaqo, caafimaad iyo dhaqaale. Dhalinyaraasi maheystaa sharci ama sharcigoodii wuu dhacay, waayo ma oga inuu sharcigii kadhacay, lacagta fiiga maheystaan, booliska kama sameysan karaan balan sharciga loogu cusbooneysiiyo.
Aqoonyahaniinta soo diyaariyey qoraalkan waxay ku taliyeen oo soo saareen 11 qodob oo dhalinyaradaasi lagu badbaadin karo ama lagu caawinkaro:
Hovedmål: Forebygge (Handlingsplanen):
1In lahelo dad ama xafiis si joogta ah ula shaqeeya iyo in ladhiso is aaminaad katimaada labada dhinac waa dowlada iyo dhalinyarada dhibaateysan ee ii bisa daroogada.
2. Shaqsi kasta in loo sameeyo qorshe isaga u gaar ah, waayo dhalinyaradu isku wada dhibaato ma aha.
3. Dadka caawinayaa iney lee yihiin aqoon ku filan.
4. In latuso iney qayb kayihiin mictamaha, lana xaquuq yihiin.
5. Midkas loo abuuro waxaa uu isagu jecelyahey ama ku ha boon sida ciyaaraha iyo wixii lamid ah.
6. In la dajiyo oo guryo laga siiyo, meelo ku haboon dhalinyarada oo ay ka helikaraan adeeg wanaagsan oo ku haboon.
7. In loo abuuro fursado waxbarasho iyo kuwa shaqo.
8. In la taageero ururada xaafadaha ka jira ee is kood isku xilqaamey ee dhalinyarada caawiya.
9. Meesha ay hada hasj ama daroogada ku iibiyaana horumarin wanaagsan lagu sameeyo oo sida ay hada tahey wax laga badalo (under brua)
10. In loo sameeyo hab wanaagsan oo ka ilaaliya inuu sharcigu kadhaco.
11. in loo sameeyo hal qof oo u qaabilsan dhamaan arimihii so oo dhan.
Xigasho/kilde: Kriminalitetforebygning.no
W.Q: Macalin Jamaal Axmed
Hadii aad rabtid inaad fikirkaaga, aqoontooda, aragtidaada iyo macluumaadka aad heyso, aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad noogu soo hagaajin kartaa: NorSomNew@gmail.com
[adsenseyu2]