onsdag, april 24, 2024

Heiki Holmås: Hambalyo Madaxweyne farmaajo iyo gudoomiye jawaari

Wasiirkii hore ee horumarinta dalkan Norway, ahna hada xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, Heiki Holmås ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa facebooga, hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub ee Somalia, Mohamed A. Farmaajo iyo gudoomiyaha baarlamaanka Mudane M.Osman Jawaari.

Holmås oo xiligii uu wasiirka ahaa dhowr mar booqasho ku tagay Somaliya, ayaa xiriir fiican lalahaa dowlada Somalia intii uu wasiirka ahaa. Wuxuu sidoo kale kasoo qeybgalay shirar iyo kulamo ay lahaayeen jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Norway.

Xildhibaan Holmås oo katirsan xisbiga SV, ayaa qoraalkiisa sidoo kale ku xusay in Soomaaliya ay u baahantahay dad badan ooo taageera horumar demaqraadiydaha ee nabada xambaarsan.

Dhawaan ayuu Holmås iyo xisbigiisa SV, ay baarlamaanka Norway horgeeyeen mooshin lagu dalbanayo in awooda sharci kala noqoshada laga wareejiyo hey´ada laanta socdaalka, loona wareejiyo maxkamado madax banaan.

Xigasho/kilde: Facebook

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x