Pakistanta oo dood adag ka keenay xil loo doortay gabar siyaasi soomaali ah.

0
160
Sawirka: Xildhibaan Ubax Cabdulaahi Adan Foto: Wardoon Media

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, Ubax Cabdulaahi Aadan oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Oslo, ayaa loo doortay madaxa gudiga isdhexgalka ee xaafada Søndre Nordstrand ee magaalada Oslo. Waxeyna xilkaas kaga guuleysatay nin Pakistani ah oo la tartamay, kaas oo lagu magacaabo Aziz Ur Rehman.

Gudiga xildhibaan Ubah gudoomiyaha loogu doortay ayaa ah gudi ka hoos shaqeeyo maamulka degmada, kaas oo siiyo talooyinka la xiriira isdhexgalka iyo isku soo dhaweynta bulshada ajaaniibta ah iyo bulshada inteeda kale. Xaafada Søndre Nordstrand ayaa kamid ah xaafadaha ay magaalada Oslo ka deganyihiin ajaaniibta ugu badan.

Pakistanta: Sidee qof aan Pakistani ah loo doortay.

Kadib markii la ogaaday in gabar soomaali ah loo doortay xilkaas, waxaa dood xoogan ka keenay qaar kamid ah bulshada Pakistanta ah, kuwaas oo eedeyn kulul u jeediyay siyaasiyiinta asal ahaan Pakistan ah ee katirsan gudiga wax dooranayay. Waxeyna ku eedeeyeen inay doorteen gabar soomaali ah, intii ay qof Pakistani ah dooran lahaayeen, iyaga ku eedeynaya inay xilkooda dayaceen ama gudan waayeen.

Wargeyska Aftenposten oo arintan maqaal ka qoray ayaa sheegay in arrintan ay dooddo xoogan ka abuurtay baraha bulshada. iyada oo bulshada Pakistanta ah ee xaafadaas kunool ay baraha bulshada isku weydiinayaan su´aalo ay kamid yihiin:

1) Qoftan Soomaaliya kasoo jeedo miyay booskan kaga haboontahay qof Pakistani ah? 2) Maxey siyaasiyiinta Pakista ah codkooda u siiyeen qof aan Pakistani aheyn, iyaga oo og in dadka soo doortay ay Pakistan yihiin?. 3) Maxey Pakistanu dhexdooda isku ilaalin weyday oo qof kale oo banaanka ka yimid kalsooni loo siiyay iyo su´aalo lamid ah?

Ubah: Waan la qabsatay cago jugleyn iyo wax ka sheegis.

Ubax oo la hadashay Aftenposten ayaa sheegtay in arrimaha noocan oo kale ah ay tahay wax ay la qabsatay, oo aan ku cusbeyn. Balse ay wax laga yaq-yaqsado oo aan la aqbali karin ay tahay in weerar toos ah lagy qaado shaqsi, iyada oo qofka lagu weerarayo jinsigiisa ama dalka uu kasoo jeedo.

Sarag Gaulin oo ah katirsan xisbiga Ap ayaa wargeyska u sheegtay in hadii siyaasi Norwiiji cadaan ah uu arintan oo kale uu sameyn lahaa ama lagu sameyn lahaa, uu dhul-gariir dhici lahaa. Waxeyna sheegtay in arrimaha oo kale ay yihiin wax aan la aqbali karin.

Xigasho/kilde: Oslo-politikere med pakistansk bakgrunn fikk kjeft på Facebook. Årsak: De valgte en leder med somalisk bakgrunn, ikke en av «sine egne».

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments