onsdag, april 17, 2024

Sweden: Xisbiga xagjirka ee SD oo labo garab u kala jabay

Labo gudoomiye oo horey uga tirsanaa xisbiga Sverigedemokraterna (SD), ayaa ku dhawaaqay inay sameysteen xisbi cusub oo midigta fog ee xagjirka ah. 

Gustav Gassel iyo iyo William Hahne ayaa xilal waaweyn horey ug asoo qabtay xisbiga SD, balse labaduba waxaa laga saaray xisbiga, kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxo cunsuriyaan Nazi ah. 

[adsenseyu2]

SD oo ahaan jiray xisbi yar oo cidi aysan wax kudarsan, ayaa sanadkii ugu danbeeyay si dar-dar ah ku noqday xisbiga sadexaad ee ugu weyn dalka Sweden. Lamana yaqaano sida abuurista garabkan cusub ee xisbigaas, ay saameyn ugu yeelan doonto kor u kaca SD. 

SD ayaa aad uga xagjirsan xisbiga FRP ee dalkan Norway, marka laga eego hadalada siyaasiyiinta xisbigaas. Kuwaas oo mararka qaarkood u dhaqmo sidii ciyaal Maafiyo suudad loo xiray. Xubno badan oo SD kamid ah, waxey soo qaateen ciqaab xabsiyeedyo, kadib markii ay galeen danbiyo. 

Xigasho/Kilde: NTB

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x