Maxkamadda degmada Oslo ayaa isbuucan bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah Cho Lucas Yabah, oo ah nin asal ahaan ka soo jeeda dalka Cameroon, muddo sannado ahna ku noolaa Norway. Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu isaga oo Norway jooga hoggaaminayay koox hubeysan oo ka dagaallanta Cameroon, isla markaana uu ka dambeeyay falal sababay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.
Dacwad-oogayaasha Norway ayaa Yabah ku eedeeyay inuu intii u dhexeysay 2017 iyo Sebteembar 2024 hoggaaminayay dhaqdhaqaaqyada kooxda hubeysan ee Ambazonia Defence Forces (ADF), isaga oo adeegsanayay internetka iyo barnaamijyada isgaarsiinta, oo uu ku jiro WhatsApp.
Kooxdan ayaa ka dagaallanta gobollada ku hadla afka Ingiriiska ee Cameroon, halkaas oo ay ka socdaan colaado la xiriira dalabka madaxbannaanida gobolka Ambazonia. Sida ay dacwad-oogayaashu sheegeen, Yabah ayaa lagu eedeeyay inuu amarro iyo tilmaamo ka bixinayay Norway, kuwaas oo la xiriiray hawlgallo hubeysan oo laga fuliyay Cameroon.
Eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah weerarro qaraxyo ah, afduub, jirdil iyo dilal loo geystay dad rayid ah. Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in qaar ka mid ah weerarrada ay ku dhinteen laba qof, halka in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen.
Yabah ayaa gebi ahaanba diiday eedeymaha loo soo jeediyay. Wuxuu sheegay inuu yahay hoggaamiye u dagaallamaya madaxbannaanida Ambazonia, isaga oo ku doodaya inuu doonayo inuu difaaco dadka rayidka ah. Wuxuu sidoo kale diiday inuu ku lug lahaa falal argagixiso.
Ninkan ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii la qabtay bishii Sebteembar 2024. Dacwad-oogayaasha Norway ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan inay dalbadaan ciqaab xabsiyeed uusan qofku marna banaanka imaan karin(forvaring) oo gaareysa 30 sano. Maxkamadeynta ayaa loo qorsheeyay inay socoto ku dhowaad afar bilood.
Yabah weli waa eedeysane oo weli maxkamadu kuma helin dambiyada lagu soo oogay. Waxaa la filayaa in maxkamaddu ay qiimeyso caddeymaha dacwad-oogayaasha iyo doodaha qareennadiisa ka hor inta aan go’aan laga gaarin dambigiisa ama dambila’aantiisa.