Norway: Dowlada oo 3.5 milyan oo qof u diraysa farriimo lagu hubinayo xubinnimada ururrada diimaha

Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday inay farriimo SMS iyo email ah u diri doonto qiyaastii 3.5 milyan oo qof, si ay u hubiyaan ururrada diimaha iyo caqiidooyinka ee ay xubnaha ka yihiin. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii la ogaaday in dad qaarkood lagu diiwaangeliyay ururro diimeed iyagoo aan ka warqabin ama oggolaansho bixin.

Farriimaha ayaa la qorsheeyay in la bilaabo Isniinta 30-ka Nofeembar 2026. Waxaa loo diri doonaa dadka gaaray ama sannadkan gaaraya 15 sano, kuwaas oo ka diiwaangashan ururrada diimaha iyo caqiidooyinka ee Norway.

Wasiirka carruurta iyo qoysaska Norway, Lene Vågslid, ayaa sheegtay in ujeeddada tallaabadani tahay ilaalinta xorriyadda diinta iyo xaqiijinta in taageerada dhaqaale ee dowladda loo qoondeeyo ururro leh xubno si sax ah u diiwaangashan.

In ka badan 200 qof ayaa dowladda u gudbiyay cabashooyin ku saabsan xubinnimo urur diimeed oo aysan ogeyn. Wargeyska VG ayaa sidoo kale helay in ka badan kun farriimood oo la xiriira arrintan.

Dadka farriimaha hela waxay adeegsan karaan adeegga Altinn si ay u hubiyaan xubinnimadooda. Farriimaha SMS-ka kuma jiri doonaan xiriirro toos ah, taas oo loogu talagalay in laga hortago khiyaanooyinka internetka.

Qofkii ogaada in si khaldan loogu diiwaangeliyay urur diimeed wuxuu la xiriiri karaa ururka ay arrintu khuseyso ama xafiiska Statsforvalteren. Dadka aan isticmaali karin BankID waxay codsan karaan in macluumaadkooda loogu soo diro warqad.

Dowladdu waxay sheegtay in diiwaanka la soo bandhigayo uu ka tarjumayo xubinnimada bilowgii sannadka 2026. Sidaas darteed, isbeddellada xubinnimada ee dhacay sannadkan waxaa suurtagal ah inaysan weli ka muuqan nidaamka.

Tallaabadani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dadka ka tirsan ururrada diimaha kala duwan ee Norway, oo ay ku jiraan masaajidda iyo ururrada Islaamka, si ay u xaqiijiyaan in xubinnimadooda si sax ah loo diiwaangeliyay.

Halkan kasii akhri: No får du snart melding om at du kan sjekke medlemskap i trus- og livssynssamfunn

Latest news
Related news