Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si adag u weeraray Norway iyo guddiga bixiya Abaalmarinta Nabadda aduunka ee Nobel Peace Prize , kadib markii abaalmarinta sanadkan la guddoonsiiyay qareenka iyo halgamaaga xuquuqda aadanaha ee reer Koonfur Afrika Navi Pillay.
Trump oo Jimcihii ka hadlayay isu-soo-bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Syracuse ee gobolka New York ayaa sheegay inuu u arko go’aanka guddiga Nobel-ka mid ceeb ku ah Norway.
– “Tani waa ceeb aan la tirtiri karin oo ku taal Norway,” ayuu yiri Trump, isagoo sidoo kale fariin toos ah u diray Norway: “Ma illoobi doonno.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa muddo dheer ku doodayay inuu mudan yahay Abaalmarinta Nabadda aduunka, isagoo sheegta inuu gacan ka geystay joojinta ama yareynta colaado dhowr ah oo caalamka ka jiray.
Trump wuxuu sidoo kale si xooggan u weeraray xubnaha guddiga Nobel-ka, isagoo ku eedeeyay inay dhaawaceen sumcadda abaalmarinta, wuxuuna Navi Pillay ku tilmaamay qof uusan horay u maqal.
Navi Pillay oo ku guuleysatay abaalmarinta:
Guddiga Nobel-ka Norway ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in Abaalmarinta Nabadda aduunka ee sanadka 2026 la siinayo Navanethem “Navi” Pillay, oo 85 jir ah, iyadoo lagu maamuusay shaqadeeda ku aaddan nabadda, xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah.
Pillay waxay hore u soo noqotay Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo garsoore ka tirsan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC.
Waxay sidoo kale hoggaamisay guddi Qaramada Midoobay ah oo baarayay dagaalka Gaza, kaas oo ku soo gabagabeeyay in Israel ay halkaas ka geysatay xasuuq. Dowladda Israel ayaa si adag u diidday natiijadaas.
Norway si toos ah uma doorato qofka ku guuleysta:
Inkasta oo Trump dhaleeceyntiisa si toos ah ugu jeediyay Norway, go’aanka qofka la siinayo Abaalmarinta Nabadda waxaa gaara Guddiga Nobel-ka Norway, mana aha dowladda Norway.
Guddiga ayaa ka kooban xubno ay magacaabaan Baarlamaanka Norway, balse marka ay dooranayaan qofka ama hay’adda ku guuleysanaysa abaalmarinta waxay u shaqeeyaan si madax-bannaan.
Hadalka Trump ayaa sidaas darteed markale soo nooleeyay doodda ku saabsan xiriirka u dhexeeya Norway iyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, xilli madaxweynaha Mareykanka uu si cad u muujiyay inuusan ku qanacsanayn in abaalmarinta mar kale laga siiyay qof kale.
Trump ayaa sanadkii hore sidoo kale doonayay abaalmarinta, balse waxaa 2025 ku guuleysatay hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela María Corina Machado.