onsdag, mars 11, 2026

Tobanaan Ereteriyaan ah oo lumin karo jinsiyada Norway.

Sida uu baahiyay TV-ga dowlada ee NRK, tobanaan qof oo kasoo jeedo dalka Ereteriya, heystana jinsiyada Norway ayaa halis ugu jira inay lumiyaan baasaboorka Norway, sababo la xiriira shaki laga muujiyay inay ka been-sheegeen sababta ay magangalyada Norway uga codsadeen, marki ay is dhiibayeen.

Ilaa hada waxa ay hey adda qoxootiga ee UDI-da sharciga jinsiyada ka celisay ilaa 20 qof, halka qiyaastii 30 kiis oo kale ay ku socdaan baaritaan. UDI-da ayaa isku dar baaritaan ku sameyneyso kiisaska 135 qof oo ereteriya u dhashay.

Waxa ay taageeraan nidaamkii ay sheegeen inay kasoo carareen:

Sababta ugu weyn ee UDI-du ay sharciga ugu celineyso dadkan u dhashay dalka Ereteriya, ayaa ah shaki laga qabo inay ka been-sheegeen sababta ay magangalyada u codsadeen. Dadkan ayaa intooda badan sheegay inay kasoo carareen cadaadiska iyo caburinta nidaamka dalkaas ee uu hogaamiyo madaxa Isaias Afewerki.

Balse markii ay Norway sharciga ka heleen, ayna qaateen jinsiyada Norway, waxaa soo baxday in qaarkood ay taageerayaal xoogan u yihiin isla nidaamkii ay horey u sheegeen inay cadaadiskiisa kasoo carareen. Xubno kamid ah dadkan ayaa sidoo kale Norway ka sameeyay ururo iyo guruubyo lagu taageerayo rajiimka xiligan ka taliya dalkaas, taas oo abuurtay shaki xoogan oo la xiriira codsigoodii hore ee magangalyo.

Sidoo kale sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo shaac-baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya jaaliyadda dalka Ereteriya ee Norway, kuwaas oo ku kala qeybsamay taageerista iyo mucaaridista rajiimka madaxweyne Asaias Afewerki. Arrintaas oo sababtay isku dhacyo waaweyn ee meelaha qaarkood gaaray gacan-kahadal ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo Yurub kuyaal, oo ay kamid tahay magaaladda Bergen.

UDI-da ayaa sheegtay in sababaha ay baaritaanka kiisaska ay u furtay ay kamid yihiin khilaafkaas xoogan ee gacan-kahadalka dhaliyay ee ka dhex-dhashay jaaliyadda dalka Ereteriya ee Norway. UDI-da waxa ay baareysaa waxyaabaha lasoo dhigo internetka iyo baraha bulshada, iyaga oo sidoo kale wareysiyo la sameynayo dadka u dhashay dalkaas si ay u helaan sawirka saxda ah ee dhacdadan.

Xigasho/kilde:Vil frata eritreere statsborgerskap fordi de snakket usant

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x