torsdag, mai 2, 2024

Booliska Norway oo hubka qaadan doono maalmaha ciida.

Taliska Booliska dalkan Norway oo maanta soo saaray war saxaafadeed qoraal ah ayaa sheegay in booliska Norway ay hubka qaadan doonaan maalmaha barakeysan ee ciida bisha barakeysan ee Ramadaan. Booliska ayaana arrintaas ku sifeeyay qiimeyn xaga amniga ah oo ku saabsan halisaha amni ee dhici kara:

Iyada oo lagu duulayo qiimeyntii ugu danbeeyay ee halisaha amni ee ay sameysay hey adda sirdoonka Norway( PST), waxaa la go aamiyay in boolisku ay hubka qaataan maalmaha u dhaxeeyo 9-ka ilaa 13-ka bisha April, ayaa lagu sheegay qoraalka booliska.

Sirdoonka Norway ayaa qiimeyntooda amni ee ay booliska la wadaageen ku sheegay in bar tilmaameed weerar ay noqon karaan maalmaha ay jiraan xafladaha iyo kulamadda waaweyn ee dadka badan ay isku imaadaan. Goobaha ay dadka muslimiinta ah isugu imaadaan ayaana lagu sheegay inay kamid tahay meelaha bar tilmaameedka noqon kara.

Booliska ayaa dhankooda sheegay in dadku si caadi ah u ciidaan, ayna howsha kor u qaadista xaga amniga u arkaan mid muhiim ah, maadaama goobaha ay dadku isugu imaanayaan lagu arki ciidan boolis ah oo hubeysan.

Hub qaadashada booliska ayaa bilaaban doonto talaado sagaalka(9) bisha April, wuxuuna socon doonaa ilaa Sabti 13-ka bisha April.

Xigasho/kilde: Nasjonal bevæpning av politiet under eid-feiringen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x