fredag, juli 26, 2024

Dowlada oo baajisay imtixiinadii qaranka ee sanad -dugsiyeedkan.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Cilmi-baarista waxay joojisay dhammaan imtixaanadii caadiga ahaa, Sidaa waxa yidhi Wasiirka Waxbarashada Tonje Brenna (Xisbiga Shaqaalaha) oo shir jaraa’id qabtay Jimcihii.

“Dib u dhigista imtixanada waxay siinaysaa ardeyda wakhti fiican oo ay ku daraaseeyaan boqolkiiba 80 imtixaanada shahaadiga ah. Imtixaanka waanu joojinay, ee maaha waxbarashada inaan joojiney” ayay tidhi wasiiraddu.

Wasiirka ayaa iyada ooo fariin u direysa ardeyda sheegtay, “Tani ma ahan fursad aad ku nasan kartaan. Taas lidkeeda, Tani waa isku day lagu doonayo in la idinku siiyo wakhti aad si habboon u galisaan daruusta ilaa laga gaarayo fasaxyada”

Go’aankan ayaa la mid ah kii agaasinka wasaaradda waxbarashadu ku taliyeeen kadib qiimayn la sameeyey usbuucii hore. Intaa waxaa dheer, in ay jiraan arday codsaday in imtixaanka dib loo dhigo.

Imtixaanada dugsiyada sare ayaa sidoo kale dib loo dhigay labadii sano ee la soo dhaafay caabuqa corona awgiis. Tani, waxa ay ka qayb qaadatay kor u qaadka natiijooyinka guud ahaan wadanka oo idil, taas oo xoojisay tartanka soo galintaanka waxbarashada tacliinta sare.


“ Ku dhawaad ​​laba sano, Caabuqu waxa uu saameyey nolol-maalmeedka carruurta iyo dhallinyarada Norway. In kasta oo aan ku faraxsannahay in aan ogalaaney in iskuulladu u howl galaan sida ugu macquulsan, waxa xaqiiq ah in uu nagu weydaarsanyahay xayndaab iyo caqabado ka duwan kuwi caaiga aha” ayay tiri Brenna.

Wasiirka waxbarashada, ayaa sheegay in go’aankan uusan ahayn mid sahlan, isla markaana iskuulada Norway ay wali imtixaanaadkooda gali doonaan mustaqbalka dhow. Qaadashada iyo qiimeynta Go’aanka ayaa waxa ka qayb qaatey talooyin ay soo jediyeen Agaasinka waxbarasha “ utdanningsdirektoratet” .

Xigasho/kilde: Kunnskapsdepartementet: Avlyser alle ordinære eksamener

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x