onsdag, april 24, 2024

DAWLADA: Waxaan bahda waxbarashada siin doonaa 100 milyan oo kr.

Iyada oo xaalada karoonaha ee wadanka Norway uu aad uga sii darayso maalinba maalinta kadambaysa, sharciyo cusub oo lagu xadidadayo kulamadana ay iska soo daba dhacayaan, ayaa waaxda wax barashada ee dawladu waxay sheegtay inay lacag 100 milyan oo Kr ah u qoondaysay inay siiso baraha wax barashada sida jaamacadaha, dugsiyada sare, kuwa xirfadaha iyo ururada kashaqeeya wax barashada.

lacagtan ayay dawladu ugu talo gashay inay hay´adaaha wax barashadu u isticmaalaan sidii ay caawin uga noqon lahayd in kor loo qaado socodsiinta shaqada wax barida ardayda, si looga hortago hakad kuyimaada nidaamka wax barasho ee dalka.

Aafada cudurka koroonaha wali ma dhamaan, sidaa daraadeed waxaa badanaya habka wax barashada ee dhinaca digitalka, waxaan dareemi karnaa inay ardayda ku tahay marxalad adag. sidaa daraadeed ayaanu soo jeedinay qorshahan ah in lacag dheeraada loo ogolaado, jaamadaha, dugsiyada sare ,iskuulada xirfada iyo ururuda waxbarashada. Taasi waxay ufududayn doontaa inay shaqada wax barashadu socoto,loona qaado talaabooyinka dheeraada oo caawinaya ardayda dhinaca waxbarasho iyo bulsho ahaanba. waxaa sidaas tiri wasiirada waxbarashada iyo cilmi baadhista Norway Ola Borten Moe (SP).

Dowlada ayaa sheegtay inay lacagtan qaybin doonaan sida ugu dhakhsiyaha badan marka baarlamaanku ansixiyo. Borten Moe ayaa sheegay in dawladu qiimayn doonto talaabooyin cusub hadii talaabooyinka karoonaha ee jira ay kasii dheeradan inta hada lafilayo in ay noqon doonaan, iyo hadii ay noqoto in lasii adkeeyaba. waxay kaloo wasiirku sheegay in dowladu qiimayn doonto hadii ay jirto in talaabooyin degdega la qaado, hadii ay jirto baahi deg dega oo ay tahay in laga soo sheego ardayda lumiyey shaqooyinkii ay haysteen xiliyada iskuulka kadib.

Xigasho/kilde: Vil gi coronastøtte på 140 millioner til studentene

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x