tirsdag, april 23, 2024

Dowlada: 50 kun qof oo dheeri ayaa heli doona «bostøtte», sicirka korontada oo kor u kacay dartii.

Xukuumadda heysa talada Norway ayaa ku raacday xisbiga SV in si ku meel gaar ah loo kordhiyo, loona balaariyo tirada dadka qaata kaalmada kirada guryaha ee loo yaqaan Bostøtte, si ay 50.000 oo qof oo dheeri ah ay uga faaideystaan kaalmadaas dhaqaale ee dowladu ay ku kabto dadka danyarta ah ee aan awoodin bixinta kirada guryaha. Ujeedda ka danbeyso arrintan ayaa ah, in dowladu ay dadka danyarta ah ka kabto sicirka korantada oo aad u kacay bilihii ugu danbeeyay.


Shir jaraaid oo uu maanta gelinkii dambe qabtay wasiirka dowladaha hoose iyo degmooyinka, Bjørn Arild Gram  ayuu ku sheegay in kaalmadaas dhaqaale ee kabka kirada guryaha kor loo qaadi doono sadexda(3) bilood ee soo socda. Kuwa hadda qaata iyo kuwa cusub ee adeegga ka faaidaysan doona ayaa la siin doon 1.500 kr oo dheeri ah bil kasta korontada qaaliga ah awgeed.


Tiro aad u badan ayaa heli doona adeegga kaalmada kirada guriga laakiin waa inay codsadaan ayuu raaciyey wasiirku .

Si loo helo lacag bixinta kaalamada guryaha  bisha Janaayo(bisha koowaad) waa in codsiga la dirsadaa ugu dambayn 31.12.2021.


Dadka horay u qaadan jiray uma baahna codsi cusub si ay lacagta dheeraadka ah u helaan bilahaas kor ku xusan ayuu yiri wasiirku.

Xigasho/kilde: 50.000 flere kan få bostøtte på grunn av strømprisene.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x