Dowlada oo rabta in sharci la siiyo dadka mudada dheer Norway sharci la´aanta ku ahaa.

0
181
Foto: Regjeringen

Dowlada Norway ayaa sameyneyso xeer kumeel gaar ah, kaas oo dadka Norway mudada aadka u dheer sharci la´aanta ku ahaa, fursad u siinayo inay helaan waraaqo sharci oo ay Norway ku joogaan.

Xeerkan ayaa khuseeyo dadka diidmada ka helay codsiyada magangalyada, balse siyaabo kala duwan awgood dalalkii ay ka imaadeen loogu celin waayay, kuna qasbanaa inay sanado 16 sano iyo ka badan gaarayo ay Norway sharci la´aan ugu noolaadaa (Meelna Norway ugu bixi waayay sharci la´aan awgeed).

Dowlada ayaa sheegtay in dadka soo codsan karo fursadan cusub ee sharci siinta ah, ay ku xiranyihiin shuruudahan:

  • Waa in qofku Norway ku noolaa ugu yaraan 16 sano.
  • Waa inuu qofku Norway degenaa kowdii(1)bishii January(1) ee sanadkii 2019.
  • Waa in marka la isku daro da´da qofka iyo mudada uu Norway joogay ay isku noqonayaan 65 sano. Tusaale ahaan waa in qofku uu da´ahaan jiraa 49 sano, uuna Norway ku noolaa 16 sano( 49+16=65). Ama uu qofku jiro 35 sano, uuna Norway ku noolaa 30 sano (30+35=65)..iwm
  • Waa inuusan wax danbi ah Norway ku galin mudadaas uu dalka ku noolaa. Ama aan loo xukumin inuu jabiyay sharciga Norway
  • Waa inuu qofku codsiga sharci siinta cusub soo gudbiyaa ugu danbeyn kowda(1) bisha Desember(12) ee sanadkan.

Dhaqangalka xeerkan cusub ee fursada sharci siinta cusub ayaa ka bilaabanayo kowda(1) bisha Juni(6) ee sanadkan. Wuxuuna ku egyahay marka ay dowladu ka jawaabto dhamaan codsiyada soo xaroodo wixii ka horeeyo kowda(1) bisha Desemberr(12) ee sanadkan.

Wasiirka qoyska Kjell Ingolf Ropstad ayaa sheegay in dadka oo mudo aan u dheer Norway go´ doon ku noqday ay mudanyihiin in la siiyo fursad ay nolol rasmi ah Norway uga sameystaan qeybna ugu noqdaan bulshada, si ay wax ugu soo kordhiyaan.

Xigasho/kilde: Engangsløsning for utlendinger med lang oppholdstid.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments