Dowlada: Xiligan ayaa xuduudka Sweden la furi doonaa.

0
144

War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowlada Norway, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo lixda(6) bishan October(10) si rasmi ah loo furi doono xuduudaha uu dalkan norway la wadaago dalka Sweden. Arrintaas oo fududeyn doonto isku socodka dadka iyo ganacsiga ee labada dal.

Wali waxaa waajib ah in qofka aan heysan shahaadada talaalka Corona uu baaritaanka Corona ku maro xuduudka Norway iyo Sweden, hadii uu qofku ka imaaday dal ay waajib tahay in la iska baaro Corona(Dalalka guduudka ah). Waxaana sii shaqeyn doono xarumaha lagu maro baaritaanka Corona ee laga sameeyay xuduudaha Norway.

Furitaanka xuduudka Norway ayaa fursad u siinaya dadkii kasoo adeegan jiray xuduudka Sweden inay hada kasoo adeegtaan dukaamada kuyaal xuduudka.

Xigasho/kilde: Alle grenseoverganger åpner 6. oktober.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments