fredag, mars 29, 2024

Dowlada Faransiiska oo xireyso lix(6) masaajid.

Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay albaabada isugu laabi doonto lix masaajidka oo lagu eedeeyay soo saaritaanka propogando islaami oo xagjir ah. Lixdan masaajid ayaa kamid ah 89 masaajid oo soo far-muuqeen sirdoonka iyo hey´addaha amniga dalka Faransiiska.

Dowlada Faransiiska ayaa sidoo kale sheegtay in la kala diri doono ururo kamid ah ururada ay leeyihiin qawmiyadaha ajaaniibta ah ee dalkaas kunool, kuwaas oo lagu eedeeyay inay fidinayaan naceyb ka dhan ah reer galbeedka iyo qawmiyada Yuhuuda.

Dowlada Faransiiska ayaa adkeysay qaabka ay ula dhaqanto ururada iyo xarumaha diimaha islaamiga ah, kadib dilkii loo geystay macalin wax ka dhiga iskuulada Faransiiska. Kaas oo dilkiisa uu ka danbeeyay ardey kamid ah ardeyda uu macalinka u ahaa, kaas oo sida uu sheegay ka xanaaqsanaa macalinka uu ardeyda tusiyay sawir-gacmeed laga sameeyay nabi Muxamed NNKA.

Wixii danbeeyay dilka macalinkaas baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay sharciyo hey´addaha amaanka dalkaas awood u siinaya inay xiri karaan goobaha cibaadada ee ka shaqeeya xagjirnimada(sida ay sheegeen) iyo ururada fidiya ama ka qeybqaata naceybka.

Xigasho/kilde: Frankrike stenger flere moskeer

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x