lørdag, mai 4, 2024

Oslo: Tagaasi badan oo Oslo arrimo qalad ah lagu helay, lana mamnuucay inay shaqeeyaan.

Baaritaan kadis ah oo ay u sameeyeen laamaha ay kala duwan ee dowlada, ayaa waxaa qalad lagu helay 34 taxi oo kamid ah 133 baabuur taxi ah baaritaan lagu sameeyay.

Baaritaankan oo ay si wadajir ah u sameeyeen Laamaha dawlada ee kala duwan sida hey´adda wadooyinka( Vegvesenet), hey´adda canshuuraha(Skatteetaten) iyo maamulka Oslo iyo Viken, ayaa shalay khamiistii howlgal balaaran ka fuliyey deegaanada Oslo iyo Romerike. Waxeyna baarayeen taxi-yada ka shaqeeyo deegaanadaas, iyaga oo su´aalo weydiinayay darawalada taxi-yada.

133 baabuur oo la joojiyey, lana baaray ayaa waxaa la ogaaday in 34 kamid ah aysan si saxa udiiwaan gashanayn ama wax uu ka qaldanaa leysinkooda taxi. Taas oo kadhigaysa inay si suuq madow ah kushaqaynayeen. Waxa kaloo boolisku sheegeen inay dad badan ka gudbiyeen dacwado arinta laxiriirta ay ka gudbiyeen dadkii arrimahaas lagu qabtay.

Sida uu qoray NRK, Afartii baabuur ee lajoojiyeyba mid kamida ayaa khalad lagu helay arrimo qalad ah, waxaana lagu sameeyay mamnuucitaan la xiriira adeegsiga taxi-nimo ee baabuurtaas.

Qaar kamida darawalada waday taxi-yada la istaajiyay ayaan heysan sharciga lahaanshaha taxi-ga ee loo yaqaan drosjeløyve, baabuurta qaarna malahayn calaamada taxi-ga ee khasabka ay tahay inay lahaadaan. Sidoo kale qaar kamida darawaliinta ayaanba heysan waraaqda cadeynta booliska ee kjøreseddel, taas oo ay khasab tahay inuu heysto qofkasta oo xirfada gaadiidka dadweynaha ka shaqeeyo.

Hey´addaha baaritaankan sameeyay ayaa sheegay in mid(1) kamid ah afartii(4) baabuur ee la baaray uu si khaldan u shaqaynayay ay tilmaamayso inay jiri karto cabsi weyn oo la xiriirta suuqa gaadiidka dadweynaha. Taas oo khatar u keeni karto amniga rakaabka qaadanaya gaadiidkaas, sida uu sheegay sier Ole-Martin Skjollby oo ah khabiir katirsan hey´adda wadooyinka iyo gaadiidka.

Dad badan oo cusub ayaa dhawaan bilaabay wadista iyo qaadashada taxi-yada, kadib markii sharcigii hore ee xadaynayey tirada taxiyada ee la ogolyahay inay deegaan walba kashaqayso meesha laga saaray. Lana soo saaray sharci cusub oo qofkasta oo buuxiyay shuruudaha uu qaadan karo leysinka lagu wado tagaasida, uuna ku shaqeyn karo.

Kiisas 10 gaaraya oo horey ay boolisku u qabteen ayaa la ogaaday inay dad ku shaqeynayay taxi-ga ay sharciga ogolaanshaha lahaanshaha taxi ee drosjeløyve ay kasoo dayn-sadeen dad kale. Sida uu sheegay Skjollby, helista ruqsada drosjeløyve ayaa uga baahan qofka codsanaya inuu heysto dhaqale kufilan, leeyahay akhlaaq ku haboon iyo xirfad aqooneed. Taas oo kadhigan in dadka soo daynsaday ama soo kiraystay ay sharuudahaas buuxin waayeen.

Xigasho/kilde: Hver fjerde drosje fikk bruksforbud etter kontroll.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x