Bostøtte-ha ayay dowladu u kordhin dadka korantadu ku qaaliyowday.

0
93
Wasiirka maaliyada Norway: Trygve Slagsvold Vedum

Bilihii ugu danbeeyay waxaa dalkan Norway aad u qaaliyoobay sicirka korontada, taas oo gobolada qaarkood gaartay heerkii ugu sareysay abid. Waxaana arrintaas cabasho xoogan ka muujiyay dadka danyarta ah oo sheegay ineysan awoodin inay bixiyaan lacagta biilka korontada, iyada oo hada la galay bilihii qaboobaha.

Wasiirka cusub ee maaliyada Norway, Trygve Slagsvold Vedum ayaa sheegay in dowladu ay adeegsan doonto lacagta kabka kirada guryaha ee loo yaqaan Bostøtten, si loo taageero qoysaska danyarta ah ee biilka korontada uu qaali ku noqday. Wuxuuna sheegay in dowladu ay ka shaqeyneyso hindise sharciyeed arrintaas ku wajahan, si xal deg-deg ah looga gaaro.

Waxaa warbaahinta Norway ka socoto doodo xoogan oo la xiriiro sicirka korontada ee qaaliyoobay iyo waxa ay dowladu ka qaban karto. Waxaana wali muuqdo ismaandhaaf u dhaxeeyo xisbiyada oo ku saabsan arrintan.

Indhaha dadweynaha ayaa wada fiirinaya dowlada cusub ee ololaha doorashada kusoo gashay inay yareyn doonaan farqiga u dhaxeeyo bulshada.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil øke bostøtten for å hjelpe med strømregninge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments