torsdag, april 25, 2024

Oslo: 16 jir Labo macalin oo warbixin(Ashtako) ka gudbiyay jeesteeyay oo Maxkamad lasoo taagayo.

Waxaa dhawaan maxkamadda Oslo ka bilaaban doonto dhageysiga dacwad ka dhan ah wiil 16 sano jir ah oo gacanqaad u geystay labo macalin oo ka gudbiyay warbixin welwel xanbaarsan, una gudbiyay maamulka iskuulka Grorud uu dhiganayay. Wiilkan ayaa ku eedeysan gacanqaad iyo cunfi.

Wiilka ayaa labada macalin ee warbixinta ka gudbiyay ku sameeyay jeesto(hardi), waxaana mid kamid ah labada macalin uu dhaawac kasoo gaaray sanka. Halka ka kalena ay jug xoogan oo muuqata kasoo gaartay qeyb wajiga kamid ah.

16-jirka ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu hanjabaad u jeediyay labo(2) macalin oo kale oo iskuulkaas ka shaqeeyo. Waxaana lagu eedeeyay inuu u diray qoraal hanjabaad ah oo uu ku leeyahay: Waan aqaan meesha aad degantahiin, waxaadna bixin doontaan qarashka wixii aad ii geysateen. Ha cabsan iyo waxyaabo kale oo lamid ah.

wiilkan ayaa sida ay warbixinta eeda ah ee laga diyaariyay wuxuu sheegay inuu qorsheynayo inuu dilo askari boolis ah oo horey xabsiga birta jeebada ku xiray, uuna dili doono ardey iskuulka la dhigato oo dhibaato u geysatay. Wuxuuna raaciyay inuu dilo doono macalimadda fasalkiisa ama caruurteeda, hadii ay qorshihiisa cid kale la wadaagto.

Xigasho/kilde: 16-åring tiltalt for å ha skallet ned to lærere etter at de sendte bekymringsmelding om ham.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x