fredag, april 26, 2024

Caasimadda Oslo oo yeelatay duq-ku xigeen muslim ah.

Abdullah Alsabeehg oo ah siyaasi katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, ee loo doortay inuu noqdo ku xigeenka duqa magaalada caasimadda ah ee Oslo. Abdullah oo booskaas tartan adag u galay ayaa 15 cod ka helay mudanayaasha golaha deegaanka Oslo, Wuxuuna ka guuleystay siyaasiyiinta ay isku xisbiga yihiin ee Jon Reidar Øyan oo lix(6) cod helay iyo Line Oma oo labo(2) cod heshay.

Doorashada booska ku xigeenka duqa magaalada Oslo ayaa timid, kadib markii at booskaas baneysay Kamzy Gunaratnam oo hada noqotay xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka Norway. Waxaana booskaas aad ugu tartamay xubno ka wada tirsan xisbiga Ap, balse waxaa ugu danbeyn ka calaf-qaaday Abdullah Alsabeehg.

Alsabeehg oo asal ahaan Bahrain kasoo jeedo ayaa noqonayo qofkii labaad ee ajnabi ah ee qabta jagadaas muhiimka ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x