Sida uu soo tabiyay muuqaal-baaiyaha TV2, Hey´adda agaasinka qoxootiga Norway ee UDI-da ayaa sheegtay inay hakad galineyso ka shaqeynta codsiyada qoxootiga reer Afgaanistaan ee Norway weydiista magangalyada. Waxeyna arintaas ku sababeeyeen xaalada kacsanaanta ah ee laga soo warinayo dalka Afgaanistaan.
Hey´adda UDI-da ayaa sidoo kale labo(2) isbuuc kahor hakad galisay tarxiilka qoxootiga reer afgaanistaan ee diidmada ka heysta codsiyada magangalyada. Halkan kasii akhri.
UDI-da ayaa sheegtay in xaalada Afgaanistaan kasoo cusbunaatay ay adkeyneyso in si sax ah loo qiimeeyo codsiyada qoxootiga kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, sidaas darteed ay go´aansadeen in ilaa amae danbe dib loo dhigo ka shaqeynta codsiyadaas.
Xigasho/kilde: TV 2: Behandlingen av afghanske asylsøknader settes på pause.