Drammen: Imaam masaajid oo laga gudbiyay dacwad, kadib markii uu qoraal Facebook ku qoray

0
139

Imaam tujiya mid kamid ah masaajida magaalada Drammen ee dalkan Norway ayaa laga gudbiyay dacwad la xiriirta hadal xanbaarsan naceyb iyo dhiirigalinta fal lagu muteysan karo ciqaab, kadib markii uu barta facebooga kusoo qooray qoraal ka dhan qowmiyada Yuhuuda iyo dowlada Israel.

Wargeyska Drammens Tidende ayaa qoray in shaqsi kamid ah dadka akhriyay qoraalkaas uu dacwad ka gudbiyay imaamkan oo magaalada Drammen imaam ka ahaa 12-kii sano ee ugu danbeeyay. Waxaana dacwada ka dhanka ah imaamkan loo gudbiyay booliska Norway, laantooda Koonfur-Bari.

Imaamka la dacweeyay oo la hadlay wargeyska Drammens Tidende ayaa raali-galin ka bixiyay qoraalka uu qoray, wuxuuna sheegay in qoraalkaas uusan ka turjumeyn aragtidiisa, balse uu ahaa mid uu qoray kadib xanaaq uu ka qaaday duqeynta ku socotay dadka kunool marinka Gazza ee Falastiin. Wuxuuna sheegay in wixii intaas ka danbeeyay uu tir-tiray qoraalkuu uu Facebooka ku qoray.

Xigasho/kilde: IMAM I DRAMMEN ANMELDT FOR HATEFULLE YTRINGER.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments