Denmark: Wadaad qirtay dilka xaaskiisa oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay.

0
189

Maxkamad kutaal dalka Denmark ayaa Wadaad-diimeed masiixi ah ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay, isagana uu qirtay dilka xaaskiisa.

Wadaadkan oo 45 sano jir ah ayaa sheegay in xaalada guurkoodu ay mareysay meel adag oo uu ku tilmaamay mid naar(cadaab) oo kale ah, xaaskiisuna ay la il darneyd dhibaato dhanka maskaxda ah. Sidaas darteed uu doortay inuu xaaskiisa u fududeeyo, nolosha uu dhaafiyo.

Wadaadkan oo horjooge diimeed ka ah kaniisad koox masiixi ah ayaa qirtay in dilka xaaskiisa oo u dhashay labo(2) caruur ah uu qorsheynayay hal(1) isbuuc, uuna soo gatay cusbo aashito ah, si uu meydkeeda ugu shubo maadooyin aashito ah cad-cad u kala gooya xubnaha jirkeeda, kadibna uu qariyo dilkeeda.

Qorshaha wadaadkan ay maxkamadu 15-ka sano ku xukuntay ayaa ahaa in xaaskiisa uu u muujiyo mid la waayay oo fakatay oo kale, ama lagu tuhmo inay iyadu is dishay.

Wadaadkan oo markii hore inkirsanaa eedeynta booliska ee tuhunka la xiriiray dilka xaaskiisa, ayaa markii danbe qirtay Waxeyna maxkamadu u fududeysay mudada xukunka xabsiga, maadaama kiiska loo qiimeeyya inuu ahaa mid qirasho ah.

Xigasho/kilde: SOGNEPREST DRAPSDØMT I DANMARK.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments