24-tii saac ee ugu danbeysay, waxaa dalkan Norway feyruska Corona laga helay 240 qof, tiradaas oo muujineyso inay kor u kaceyso tirada dadka laga helayo feyruska Corona.
Isbuucii ugu danbeeyay, waxaa isku cel-celis maalin walba xanuunka corona laga helay 312 qof.
Magaalada Oslo ayaa ah meesha ugu badan ee ilaa hada laga dareemayo kor u kacaas xooga ku socdo ee laga dareemayo Norway.
ilaa hada waxaa laga soo bilaabo Maarso 2020 gudaha Norway feyruska Corona u geeriyooday 800 qof. Halka xiligan ay isbitaalada xanuunkaas u jiigaan 17 qof oo xanuunkaas uu soo ritay.