fredag, april 19, 2024

Waa soomaali, balse iyaga oo dalalkan matalaya ayay ciyaaraha Olimbikada ka ordayaan.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Waxaa maalmihii u danbeeyey Tokyo ka socday ciyaaraha Olympics-ka oo lahaa noocyo kala duwan, haddaba waxa jirey orodyahanno Soomaali ah oo metelayey dalal kale.

Waxaa se sannadkan ka maqan orodyahankii caanka ahaa ee Mo Farah, oo laba jeer oo hore ku guulaystay orodka olombikada ee 10000 ee Mitir. Waxaana sannadkan uu u seegayaa dhaawac soo gaadhay.

Qoraalkan waxaynu ku eegaynaa orordyahannadaas iyo taariikhdooda oo kooban:

Maxamed Axmed – Canada:

Maxamed Axmed, waxa uu bishii january ku dhashay magaalada Muqdisho, waxa uu u ordaa dalka Canada. Waxa uuna ka mid ahaa orodyahannadii maalinkii dorrad ahaa ku tartamayey orodka dheer, isaga oo ku dhammaystay kaalinta lixaad, inkasta oo wareegga qaybtii hore hoggaaminayey haddana wareegii u danbeeeyey ayaa la gala wareegay hoggaanka orodkaas.

Axmed wuxuu ku guuleystay billadda maarta ah ee 5000 m ee tartanka orodka adduunka ee 2019 ee Doha, oo uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Canadian ah ee billad ku muteysta dhacdadaas. Waxaana uu sidoo kale laba billadood oo qalin ah ku guulaystay Ciyaaraha Barwaaqo-sooranka ee 5000 iyo 10,000 m .

Axmed waxa uu sidan oo kale qayb ka ahaa Olombikada Xagaaga ee 2012 iyo 2016.

Bashiir Cabdi – Belgium

Bashiir Cabdi, waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Feebarweri, isaga oo ku dhashay magaalada Ceel Afweyn, ee gobolka sanaag, Somaliland.

Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000m orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub. Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii. Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m.

Wuxuu ku dhameystay kaalinta 20 -aad ee finalka 10000m, tartankaas oo uu ku guuleystay Mo Farah, orodyahan Soomaali ah oo metela dalka Britain.

Sannadkii 2017 -kii Bashiir wuxuu ka qayb -galay tartankii London 2017 ee Ciyaaraha Fudud ee orodka 5000m ee ragga, isagoo kaalinta 6 -aad ka galay tartankaas. Waxaana uu ka qaybgalay tartamo kale oo caalami ah, sannadkii 2019 waxa uu kaalinta labaad galay tartankii Vitality Big Half Marathon, oo kaalinta koobaadna uu galay Mo Farah.

Isaga oo sida oo kale isla sannadkaad isla London Marathon oo ku guulaystay Eluid Kipchoge galay kaalinta lixaad. Sida oo kale waxa uu kaalinta labaad galay tartankii orodka ee ka dhacay Jabbuuti. Sannadkanna waxa uu ka mid yahay orodyahannada ka qaybgeli doono ciyaaraha Olympic-ka ee Tokyo.

Cabdixakiin Colaad – Denmark:

Cabdixakiin Colaad, waxa uu ku dhashay bishii 1991 magaalda Kismaayo, waxaana uu hadda u ordaa dalka Denmark, isaga oo ku metela oroddada dhaadheer ee 5000 mitir iyo 100000 mitir. Isaga 11 jir ayuu Colaad dalkan qaxoonti ahaan u yimi.

Maratoonkiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa 2015, taas oo ahayd markii labaad ee uu isku dayay masaafadan masraxa Hamburg, wuxuu ku dhammeystay waqtiga ugu wanaagsan ee qof Dheenish ahi ku dhammaysto tan iyo 1989 – 2h 14 min 3sec, ayuu ku orday, taas oo sababtay in uu u soo baxo tartankii Olombikada Xagaaga ee 2016 ee Rio de Janeiro.

Sannadkii 2018, wuxuu ku tartamay marathonkii ragga ee Ciyaaraha Fudud ee Yurub ee 2018 oo lagu qabtay Berlin, Germany. Ma uusan dhameyn tartankiisaasBishii Diseembar 2019, wuxuu ku orday sida ugu fiican shaqsi ahaan masaafada marathon -ka ee Fukuoka Marathon ee Japan. Markii oo jaray masaafadaas 2h 11min 3sec waxayna sababtay in uu soo baxo Ciyaaraha Olombikada Xagaaga 2020 ee Tokyo, Japan, kuwaas oo hadda qabsoomaya uuna ka qaybgelayaasha sannadkan.

Cabdixakiin Cabdiraxmaan – USA:

Cabdixakiin Cabdiraxmaan, waxaa uu ku dhashay Muqdisho bishii jannaweri sannadkii 1977, wuxuuna u ordaa dalka Maraykanka isaga oo ku caan ah orordka dheer. Waana markii shanaad ee ku tartamayo tartanka Olombikada.

Sannadkii 2008, Cabdiraxmaan wuxuu ku guuleystay 10,000 oo mitir Tartankii Xulashada Olombikada Mareykanka. Wuxuu sidoo kale ahaa horyaalkii ragga ee Monument Avenue 10K ee Richmond, VA.

Tijaabooyinkii Olombikada Mareykanka ee 2020 ee Atlanta, Cabdiraxmaan wuxuu ku dhammeystay kaalinta 3aad ee marathon -ka isagoo ku orday 2:10:03, hal ilbiriqsi kana dambeeya Jake Riley wuxuu xaqiijistay booskiisa kooxda shanaad ee Olombikada, isagoo 43 jir ah. Hadda se waa 44 jir.

Wuxuuna sidaa ku noqday orodyahankii ugu da’da ee abid Maraykanka ku metelaya Olombikada. Waxaana uu haddadan tartanka Tokyo ka mid yahay haddaanu ahaynba kan ugu weyn ciyaartoyda waaweyn ee ka qaybgelaysa tartankaas.

Cabdi Nageeye – Netherland:

Nageeye wuxuu ku dhashay bishii Maarso 1989 magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Isaga oo 6 jir ah, waxaa dib u -dejin loogu sameeyay sidii qaxootinimo dalka Nederland. Ka dib markii uu afar sano ku qaatay Netherlands, waxa uu muddo kula soo noolaa qoyskiisa Suuriya iyo Soomaaliya. Ka dib, Nageeye wuxuu ku soo noqday Netherlands isagoo sii maraya Itoobiya waxaana soo korsaday qoys Oldebroek ah.

Nageeye wuxuu ku dhameystay kaalinta 8aad ee Marathon -ka Boston ee 2016.

Dabayaaqadii sannadkaas wuxuu ku dhammeystay kaalinta 11 -aad orodka marathon -ka ee Rio. 2018.

Abdi Nageeye, sida oo kale waxa uu tartammo kaga qaybgalay dalka Kenya isaga oo galay kaalmaha hore. Waxaana ay soo wada tababarteen Eluid Kipchoge, oo ah orodyahanka ugu caansan Kenya.

Dalka ee u ordana wuxuu haystaa rikoorro badan,

Halka dhanka kale Cabdi yahay luuqad yahan ku hadla, Soomaaliga, Dutch, Carabi, English iyo Amxarariga.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x