Oslo: Dhalinyaro weerar ku qaaday askar boolis ah, gacana u qaaday askari boolis ah

0
132

Sida uu wargeyska VG u xaqiijiyay Gjermund Stokkli oo ah madax howlgaleed oo katirsan booliska Oslo, dhalinyaro gaareyso 20 ilaa 30 ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday askari boolis ah, waxeyna gacan qaad u geysteen askari boolis ah.

Booliska ayaa xiliga lasoo weeraray waxey ku howlanaayeen qabashada labo(2) oo lagu eedeeyay kiis danbiyeed, kuwaas oo lagu raadjoogay. Waxeyna boolisku sheegeen in intii ay socotay howsha qabashadu, askarta booliska lagu soo qaaday weerar, laguna soo tuuray waxyaabo kala duwan, ugu danbeyna gacan loola tagay.

Madaxa howlgalka ayaa sheegay in askari kamid ah kuwii goobtay joogay, wajiga looga geystay gacan qaad, inkasta oo uusan dhaawac xoogan soo gaarin.

Waxaa markii danbe goobta soo gaaray askar kale oo gurmad ah, waxeyna boolisku ku guuleysteen inay xaalada dajiyaan, sida uu xaqiijiyay Gjermund.

Booliska ayaa sheegay ineysan qofna u qaban ama u dacweyn dhacdadaas, balse ay yaqaanaan dad badan oo dhalinyarada weerarka geysatay kamid ah. Sidaas darteed ay dacwadaha gadaal kasoo gudbin doonaan.

Xigasho/kilde: Politiet angrepet av ungdomsgjeng i Oslo

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments