Saadaal: Solberg iyo xisbiyada xamuulka u ahaa oo xaaladu ay ku xuntahay.

0
115
Reysulwasaare Erna Solberg. Foto: Torbjørn Kjosvold/SMK

Saadaal hordhac ah oo uu qaaday muuqaal-baahiyaha TV2, ayaa muujineyso in xisbiyada garabka midig ee siyaasadda Norway ay wajihi doonaan jab xoogan oo ay kala kulmi karaan doorashadan, hadii laga qiyaas qaato saadaasha hordhaca ah ee dadweynaha.

Saadaasha uu qaaday TV2 ayaa muujineyso in xisbiyada garabka Midig oo sideedii(8) sano ee ugu danbeeyay maamulayay Norway ay wajihi doono jabkii ugu xooganaa ee soo gaara tan iyo 1995-shii. Xisbiyada Høyre iyo Frp ayaa lumiyay taageerayaal, halka xisbiyada Krf iyo Venstre ay ka hoosmareen tirada codadka looga baahanyahay xisbigu, si uu baalmaanka xubno ugu yeesho.

Hadii wax lagu qeybsan lahaa codbixinta saadaasha hordhaca ah, waxey xisbiyada midigtu isku dar heli lahaayeen 55 xubnood. Halka ah hada ka heystaan in ka badan 85 xubnood.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa sheegtay in saadaasha hordhac ay muujineyso natiijo wanaagsaneyn. Sidaas darteed ay laban-laabi doonaan dadaalka, si ay natiijadaas wax uga badalaan. Waxeyna sheegtay in natiijadan ay siineyso dhiirigalin dheeraad ah oo intii hore in ka badan ku shaqeeyaan.

Xisbiga Rødt oo laba-kacleeyay:

Isla natiijada hordhaca ah ayaa muujineyso in xisbiyada bidixdu, gaar ahaan xisbiga Rødt uu doorashadan ka keeni doono guul muuqato. Halka xisbiyada Ap, SV iyo MDG ay keeni lahaayeen natiijo hordhac ah.

Isku dar waxaa la qiyaasiyaa in xisbiyadu bidixdu ay sanadkan doorashada baarlamaanka ka keeni doonaan guul, ayna xilka kala wareegi doonaan xisbiyada bidixda ee sideedii sano ee ugu danbeeyay dalka maamulayay.

Xigasho/kilde: Dårligste meningsmåling på 26 år for de borgerlige partiene.


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments