Nin soomaali oo lagu dilay magaalada London.

0
157

Nin Soomaali ah ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay xaafadda Leyton ee bariga magaalada London ee dalka UK, oo Soomaali badan ay dagan tahay.

Ninkan oo lagu weeraray mindi ayaa geeriyooday kadib markii kooxaha gurmadku ay la gaareen cisbitaal aan ka fogayn goobta uu dilku ka dhacay.

Booliska London ayaan wali shaaca ka qaadin magaca qofka la dilay ee Soomaaliga ah iyadoo dilka dhacayna uu qeyb ka yahay weerarada mindiyaha ee muddooyinkan kusoo badanayey London.

Todobaadkan oo kaliya waxaa dhacay 7 dil oo loo adeegsaday mindi, sida ay booliska London sheegeen.

Xigasho/kilde: VOA-somali

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments