Gabadha uu awoowaha u yahay boqorka Norway oo qaaday coronavirus.

0
138
Foto: Julia Naglestad, Det kongelige hoff

Ingrid Alexandra oo ah gabadha uu awoowaha u yahay boqorka Norway ayaa laga helay feyruska Corona, sida ay xaqiijiyeen qoyska boqortooyada Norway. Waxeyna Ingrid noqoneysaa qofkii ugu horeeyay ee katirsan qoyska boqortooyada Norway oo laga helay feyruska Corona.

Baaritaano laga qaaday xubnaha kale ee qoyska boqortooyada Norway, ayaa laga waayay inay qaadaan feyruska Corona. Balse qoyska boqortooyada, gaar ahaan boqorka Norway iyo dhaxal-sugihiisa ayaa kansalay dhamaan balamihii iyo kulamadii dadweyne ee ay lahaayeen.

Ingrid Alexsandra oo ah gabadha curada ah ee uu dhalay dhaxal-sugaha koowaad ee boqortooyada, ayaa ah dhaxal-sugaha labaad ee boqortooyada Norway.

Boqorka Norway Harald ayaa maanta sheegay in xaaladda gabadha uu awoowaha u yahay ay fiicantahay.

Xigasho/kilde: PRINSESSE INGRID ALEXANDRA TESTET POSITIVT FOR CORONA.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments