Karin Andersen: Si aan bini-aadantinimo aheyn ayaa Mahad Abiib loola dhaqmay

0
122

Arild Humlen oo ah qareenka Mahad abiib ayaa shaley muuqaal-baahiyaha TV2 ka sheegay inuu hayo cadeymo cusub oo muujinayo in Mahad Abiib uu dowlada Norway kala kulmay cadaalad daro sharciyeed. Isaga oo codsaday in kiiska Mahad Abiib dib loo furo, loona soo celiyo jinsiyadiisii Norway, maadaama sida uu qareenku isagu sheegay uu hayo cadeymo qeexaya in Mahad si sharci daro ah loo xukumay. Halkan kasii akhri

Qareenka ayaa dhanka kale sheegay inuu xeer ilaalilaha qaranka Norway kacodsaday in kiiska Abiib uu ku sameeyo baaritaan dib u fiirin ah.

Kari Andersen oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway ayaa sheegtay in qaabka ay dowlada Norway ula dhaqantay Mahad Abiib ay tahay qaab laga xishoodo oo bini-aadantinimo ka bax ah. Waxeyna sheegtay inay kiiska Abiib kala hadli doonto wasiiradda cadaalada Norway Monica Mæland oo xisbiga Høyre katirsan.

Xildhibaanadan ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in kiiska Abiib dib loo furo, loona soo celiyo jinsiyadiisii, maadaama ay iyada oo xiganeyso qareenka Abiib sheegtay in kiiskaas uu ku dhisanyahay xujo-sharciyeed qaldan.

Xigasho/kilde: Mahad er norsk, akkurat som meg, og han bør få tilbake statsborgerskapet sitt, sier Andersen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments