fredag, april 19, 2024

Oslo: Adiga baabuurkaaga saaran, ama karantiil ku jiro ayaad codkaaga doorashada ka dhiiban kartaa

Dalkan Norway waxaa 13-ka bisha September ka dhici doonto doorashadii baarlamaanka Norway oo sanadkan xiiso gaar ah leh. 10-ka bishan August, waxaa albaabada loo furi doonaa goobaha codbixinta, iyada oo dadka raba inay codkooda si hormaris ah usii dhiibtaan, ay ka codeyn karaan goobaha doorashada.

Maadaama lagu jiro xaalada adag ee xanuunka Covid-19, degmooyin badan ayaa isku dayay inay dadka u fududeeyaan ka qeybgalka doorashada.

Dowlada hoose ee magaalada Oslo ayaa maanta sheegtay in qofkii maalinta doorashada ka cabsi qaba inuu qaado feyruska Corona ay degmadu u fududeyay inuu codkiisa dhiiban karo isaga oo saaran baabuurkiisa.

Sidoo kale degmada Oslo ayaa sheegtay in qofkii karantiil kujiro maalinta doorashada uu codkiisa dhiiban karo isaga oo joogo gurigiisa ama meesha kale ee uu markaas karantiilka kaga jiro. Waxaana u imaanayo shaqaale katirsan dowlada hoose ee magaalada, kuwaas oo daaqada guriga uu markaas qofku ku suganyahay kaga gudoomi doono kaarka codbixinta doorashada.

Warbaahinta NorSom News ayaa maalmaha soo socdo idiin soo gudbin doonto warbixino taxano ah kuwaas oo ku saabsan doorashada Norway iyo macluumaadka la xiriiro.

xigasho/kilde: For første gang kan du stemme fra bilen din på drive-in

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x