Qareen: Mahad Abiib waa lagu sameeyay dulmi iyo cadaalad daro sharciyeed.

0
110
Saiwr Foto: Faksimile/TV2

Arild Humlen oo ah qareenka Mahad ayaa muuqaal baahiyaha TV2 u sheegay inuu hayo cadeymo cusub oo muujinaya in Mahad Abiib lagu sameeyay dulmi iyo cadaalad daro sharciyeed. Karin Andersen oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway ayaana taageertay hadalka kasoo yeeray qareenkan.

———————————————————————————————

Mahad Abiib oo sheekadiisu soomaalida Norway ay si fiican uga wada warqabaan, ayaa ahaa sheybaariiste( bioingeniør) dalkan Norway ku noolaa 17 sano, kahor inta aysan hey´adda qoxootiga Norway ee UDI-du ay ku eedeyn inuu ka been-sheegay macluumaadkiisa shaqsiyeed, markii uu magangalyada codsanayay. Waxaana ay UDI-du sheegtay inay u badantahay in Mahad uu kasoo jeedo dalka Jabuuti ee Soomaaliya dariska la ah.

Mahad ayaa dhankiisa soo bandhigay cadeymo tiro badan oo muujinaya inuu Soomaaliya kasoo jeedo, waxaana la cadeeyay in Mahad aabihii uu katirsanaa saraakiishii ciidamada cirka ee dowladii Soomaaliya. Sidoo kale taliyihi ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee 2017, General Maxamed Aadan iyo gudoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa labaduba cadeeyay inay aqoon u leeyihiin qoyska abiib oo reer Soomaaliya ah.

Balse maxkamada Oslo ayaan rumeysan cadeymaha lasoo bandhigay, waxeyna kiiska u xukuntay hey´adda qoxootiga Norway ee UDI-da oo go´aamisay in Mahad laga celiyo dhalashadii Norway, uuna ka baxo Norway.

Qareenka: Waxaan hayaa cadeymo cusub:

TV2 ayaa horey u qoray in booliska Norway ay codsi u dirsadeen FBI-da Mareykanka iyo sirdoonka Canada, si looga caawiyo xaqiijinta macluumaadka qoys reer Jabuuti ah oo UDI-du ay tuhunsanyihiin inay yihiin qoyska Mahad Abiib. Halkan kasii akhri

Qareenka Mahad Abiib ayaa hada sheegay inuu hayo cadeymo waaweyn oo burin kara go´aankii maxkamada ee lagu xukumay Mahad Abiib. Wuxuuna sheegay inuu hada si rasmi ah u codsanayo in boolisku ay laalaan kiiska ka dhanka ah Abiib, ayna hey´adda UNE-du dib uga noqoto go´aankii dhalashada looga celiyay Abiib.

Humlen ayaa dhanka kale sheegay inuu hayo cadeymo muujinayo in qofka jabuutiyaanka ah ee UDI-du sheegtay inuu yahay Mahad, uu yahay nin dhintay sanadkii 2016.

Kari Andersen: Waa wax laga xishoodo:

Kari Andersen oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, kana mid ah xisbiga SV ayaa sheegtay in qaabka ay dowladu ula dhaqantay ay tahay wax laga xishoodo oo bini-aadanimo ka bax. Waxeyna sheegtay inay codsaneyso in kiiska mar kale dib loo furo, maadaama uu ku dhisanyahay xujooyin aan sax aheyn.

Xildhibaanadan ayaa sheegtay in iyadu shaqsi ahaan iyo Mahad Abiib ay wada yihiin Norwiiji, waxeyna sheegtay inay codsaneyso in Mahad jinsiyadiisii Norway dib loogu soo celiyo.

Xigasho/kilde: Advokat mener nye dokumenter viser at Mahad ble utsatt for «justismord».

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments