Anders Breivik: Ninkii dilay 77-da qof oo maxkamada ka dalbanayo in xabsiga laga sii daayo.

0
113
Danbiile Anders Breivik. Foto: Fabrizio Bensch/Reuters)

Anders Behring Breivik oo ah ninkii ka danbeeyay xasuuqii lagu dilay 77-da qof iyo qarixii guriga dowlada, ayaa maxkamada Oslo ka codsaday in xabsiga laga sii daayo.

Sida uu qoray wargeyska VG, Breivik ayaa dalab uu u dirsaday maxkamada Oslo ku dalbaday in kiiskiisa mar kale dib loo furo, lagana sii daayo xabsiga uu kujiro. Maadaama uu 10 sano kasoo wareegtay markii lagu riday xukunka 21-da sano ah ee uu la socday shardiga ka heynta bulshada ah(Forvaring).

Maxkamada Oslo ayaa sanadki 2011, xukun 21 sano oo xabsi ah ku xukuntay Anders Breivik. WaxaaNA loo raaciyay xukun kale oo ka heyn bulsho ah(forvaring), kaas oo ka dhigan in marka qofka danbiilaha ah ee la xukumay uu xukunka maxkamada dhameysto, ay maxkamadu xabsiga kusii heyn karto qofkaas, ilaa inta ay jirto wax tilmaamaya in qofkaas uu halis ku yahay bulshada ama uu mar kale ku celin karo sameynta falkii horey loogu xukumay. Waxeyna maxkamadu halkii marba qofka xukunka u dheereyn kartaa shan(5) sano, arrintaas uu mararka qaarkood keento in qofku xabsiga lagu hayo inta noloshiisa ka dhiman.

Xeer ilaalinta Oslo ayaa diiday dalabka Oslo, waxeyna sheegeen in hadii Breivik laga sii daayo xabsiga uu halis ku yahay bulshada, uuna mar kale ku celin karo falkii uu horey u sameeyay.

Xukunka maxkamada Oslo ee horey loogu xukumay Breivik ayaa xaq u siinayo in 10 sano kadib uu dalbado in si tijaabo ah xabsiga looga sii daayo. Iyada oo maxkamada Oslo ay dhawaan qaadi doonto gar maqalka Anders Breivik iyo xeer ilaalinta booliska Oslo.

Breivik ayaa dhanka kale maxkamad la fuuli doono dowlada Norway, isaga oo ku eedeeyay in dowladu ay jabisay xuquuqdiisa aas-aasiga ah ee bini-aadantinimo.

Xigasho/kilde: Anders Behring Breivik får behandlet prøveløslatelse i retten.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments