Tønsberg: Tuug baabuurkii uu xaday ku dhex hurdooday oo ay boolisku qabteen.

0
79

Sida ay bartooda twitterka kusoo qoreen booliska Koonfur-Bari Norway, booliska ayaa qabtay nin 20-meeyo jir ah, kaas oo ku dhex hurdooday baabuur uu kasoo xaday Qofkii lahaa.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka magaalada Tønsberg ee dalkan Norway.

Milkiilaha baabuurka la xaday ayaa boolisku ku wargaliyay in baabuurkiisii uu helay, balse uu dhex hurdo ninkii kasoo xaday.

Booliska oo ninkan xiray ayaa ku eedeeyay falka uu geystay, waxaana usii dheer in lagu eedeeyay inuu baabuur waday isaga oo khamreysan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments