6 qof oo loo qabtay dil ka dhacay degmada Lørenskog.

0
131

Waxaa habeenkii ay Axadu soo galeysay guri kuyaal degmada Lørenskog ee duleedka Oslo laga helay meydka nin kontomeeyo jir ah oo u dhashay dalka Lituenia.

Booliska ayaa markii hore lix(6) qof u qabtay dilkaas, waxeyna markii danbe sii daayeen shan(5) qof, iyaga oo la haray hal nin oo lagu eedeynayo inuu ka danbeeyay dilka 50-jirkaas meydkiisa la helay.

Booliska ayaa sheegay in kadib ay baaritaan ku sameeyeen goobta uu falkaas ka dhacay, ayna wareysiyo sameeyeen ay xoogeysatay eedeyn ka dhan ah nin u dhashay dalka Poland, kaas oo kamid ah lixda(6) qof oo ay boolisku markii hore qabteen. Ninkan oo da´diisa ay boolisku ku sheegeen afartameeyo(40) jir ayaa kunool isla guriga uu degenaa nin geeriyooday.

Dadka ay boolisku markii hore qabteen, ayaa waxaa kamid ah xaaska ninka geeriyooday, balse waxay kujirtay shanta(5) qof ee boolisku ay sii daayeen. Waxaana markii danbe lagu wareejiyay kooxda xaaladaha deg-dega ah ee qoyskaska ee degmada Lørenskog, kuwaas oo si dhow ah ula socdo xaaladeeda, maadaama ay la kulantay dhacdo xanuun badan, sida uu warbaahinta u sheegay qareenkeedu.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in guriga uu dilka ka dhacay ay ka socotay xaflad dagaal-deg sanadguuro dhalasho.

Xigasho/kilde: Mann funnet død i Lørenskog – seks personer siktet for drap

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments