Mustafa Hassan oo maxkamada kaga guuleystay hey´adda UNE.

Mustafa Hassan Foto: Mustafamusic.no

Maxkamada magaalada Oslo ayaa maanta xukuntay in go´aankii hey´adda UNE ay rabtay inay dalka uga saarto Mustafa Xasan oo ah 18 sano jir reer Urdun ah, uu ahaa mid qaldan. Waxeyna maxkamadu ay sheegtay in UNE aysan qiimo adag iyo tixgalin mudnaan leh aysan siinin mudada uu Mustafa ku noolaa Norway, iyo xiriirkiisa kala dhaxeeyo dalkan oo uu soo galay isaga oo 6 sano jir ah.

Qisada Mustafa oo loo tarxiili rabay danbi ay hooyadii gashay, isaga oo 6 sano jir ah halkan kasii akhri: Wararkii aan horey uga qornay.

magangalyo oo uu Norway ku joogo, balse wuxuu ka dhiganyahay in UNE ay mar kale dib ugu noqoto qiimeynta kiiskan, iyada oo tixgalineyso qodobada ay maxkamadu sheegtay.

Qareenka Mustafa ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay go´aanka ay maxkamadu gaartay, ayna maxkamadu cadeysay doodii aheyd in UNE aysan si fiican oo waafaqsan sharciga, aysan uga shaqeyn kiiska Mustafa.

Qareenka Mustafa ayaa dhanka kale aaminsan in hadii kiiska mar kale dib u qiimeyn lagu sameeyo, iyada oo la raacayo go´aanka maxkamada ay u badantahay in Mustafa uu sharci helo.

Xigasho/kilde: Mustafa Hasan (19) vant saken mot Utlendingsnemnda.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments