Trygve «Qoslaaye»: oo sadaxeeyay tartanka booska reysulwasaaraha ee Erna iyo Jonas.

0
167
Trygve Slagsvold Vedum Gudoomiyaha xisbiga Sp foto: Facebook/Trygve Slagsvold Vedum

Codbixin saadaalin ah oo isbuucan soo baxday ayaa sheegeyso in 12,5 dadka Norway kunool ay rabaan in Trygve Slagsvold Vedum uu noqdo reysulwasaaraha cusub ee Norway. Trygve ayaa ah gudoomiyaha xisbiga Sp oo ah xisbiga sadexaad ee ugu weyn Norway, marka la fiiriyo saadaalinta codbixintii ugu danbeysay.

Xisbiga Sp oo isbuucii hore shirweyne lahaa ayaa sheegay in gudoomiyaha xisbigooda Trygve Slagsvold Vedum ay sanadkan usoo taageen musharaxnimada xilka reysulwasaare ee doorashada baarlamaanka ee dhici doonto sanadkan. Waxeyna sheegeen in xisbigooda uu natiijada doorashada kula xisaabtami doono xisbiyada bidixda oo ay wada shaqeen ka dhaxeyso.

Tan iyo markii uu warkaas soo baxay, waxaa muuqaneyso inay jiraan tiro aan la dhayalsan karin oo katirsan dadweynaha Norway, rabana in gudoomiyaha xisbiga Sp uu noqdo reysulwasaaraha Norway.

Tartanka kursiga reysulwasaaraha ayaa xiligii horey u dhaxeeyay reysulwasaaraha Norway ee xiliga Erna Solberg, iyo gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større. Laakiin waxaa hada muuqato in tartanka kursigaas uu dhex yaalo sadex qof, uuna kusoo biiray Trygve oo ah gudoomiyaha Sp, marka laga qiyaas qaato tirokoobyada la sameeyay maalmihii ugu danbeeyay.

Trygve Slagsvold ayaa hogaamiyo xisbiga Sp oo ah xisbi ay inta badan taageeraan beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo dadka degan tuulooyinka magaalooyinka ka fog. Wuxuuna xisbiga heystaa taageero xoogan oo uu wax uga badali karo natiijada doorashada Norway, iyo dowlada imaan doonto, marka la fiiriyo saadaasha hordhaca ah ee laga qaaday dadweynaha Norway.

Arrinta uu gudoomiyaha xisbiga Sp caanka ku yahay, ayaa ah qosolka aan kala go´a laheyn ee markasta uu ku dhufto, xitaa hadii la weydiiyo su´aal caadi ah. Halkan ka daawo

Xigasho/kilde: Vedum fosser fram på ny statsministermåling.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments