London: Afar(4) oo hal qoys oo muslim ah katirsan oo baabuur lagu dilay.

0
103

Magaalada London ee gobolka Ontario ee dalka Canada, waxaa maalintii shaley aheyd lagu dilay afar qof oo ka kooban hal qoys oo muslimiin ah. Waxaana dilkaas loo adeegsaday baabuur la dulmariyay xubnaha qoyskan muslimiinta ah xili ay wada socdeen, ayna wada dhinaceeda marayeen.


Masuuliyiinta magaalada Lonodon ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa sheegay in dilkii loo geystay qoyskii Muslimiinta ahaa ee Axadii gaariga la marsiiyay uu ahaa mid qorsheysan oo salka ku haya Islaam naceyb.

Qoyskan oo ka koobnaa shan qof ayaa afar ka mid ah ay geeriyoodeen, halka wiil sagaal jir ah uu soo gaaray dhaawac, kaas oo hadda la daaweynayo, waxaana weerarkan geystay Nathaniel Veltman oo ah 20-jir ah,kaas oo hadda u xiran dilka uu geystay.

«Dhacdadan waxay aheyd aheyd dil wadareed loo geystay Muslimiintan, waxayna salka ku heysay naceyb weyn» ayuu yiri duqa magaalada London Ed Holder.

Paul Waight oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska magaalada London oo ah halka dilkan ka dhacay ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in qoyskan loo bartimaameedsaday diinta Islaamka awadeed.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysay wargeyska London Free Press ayaa sheegtay in dadka geeriyooday ay kala ahaayeen Syed Afzaal oo 46-jir ahaa, xaaskiisa Madiha Salma 44 jir, gabadhiisa Yumnah Afzaal oo 15-jir aheyd iyo hooyadiis oo 74-jir aheyd. Wiilkiisa Faez Afzaal oo sagaal jir ah ayaa isna dhaawac ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments