Sida lagu sheegay Tirokoob iyo warbixin ay sameysay wakaalada tirokoobyada ee SSB, hal(1) milyan oo qof oo kamid ah bulshada Norway ayaa kaligood nool, ama aan cidna la nooleyn. Tiradaas ayaa u dhiganta ku dhawaad 19% katirsan bulshada kunool dalkan Norway.
Dadka ugu badan ee kaligood nool ayaa ah dhalinyarada ay da´doodu u dhaxeyso 16 ilaa 29 sano. Waxaa kaligood nool 22% dhalinyarada ay da´doodu u dhaxeyso da´da 16 ka sano ilaa 29-ka sano.
Espen Andersen oo katirsan SSB ayaa sheegay in mid kamid ah sababaha keena in dhalinyaradu ay kaligood noolyihiin ay tahay, in dhalinyaro badan ay dib u dhigtaan sameysashada xiriir-lamaane(saaxiib ama guur).
Sidoo kale sadex meelood meel(1/3) waayeelada ay da´doodu ka koreyso 60-ka sano ayaa kaligood nool, sida lagu sheegay warbixinta SSB.
Tirokoobkan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Norway ay ku yaalaan 500.000 guri oo gaar loo leeyahay, ayna isku cel-celis gurigiiba kunool yihiin 2,13 qof.