Soomaali ku eedeysan kufsiga gabar ay xaaskiisu dhashay oo maxkamad lasoo taagay

0
143
Sawir laga qaaday eedeysanaha oo wajigiisa la qariyay

Magaalada Essen ee gobolka Woqooyi-Galbeed(NRW) ee dalka Germany waxaa maxkamad lagu soo taagay nin dhalinyaro soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu dhowr mar fara-xumeeyay gabar 10 sano jir ah oo ay xaaskiisu dhashay. Gabadha yar ee dhibanaha ah ayaa arrinta sheegtay, waxaana booliska ku wargaliyay hooyada gabadha.

Ninka la eedeeyay ayaa iska fogeeyay danbiga lagu soo oogay, balse baaritaano ay boolisku ku sameeyeen dharka hoos-gashiga gabadha yar iyo dhiiga DNA-da(Hiddo-sidaha) eedeysanaha ayay boolisku ku xaqiijiyeen inuu fara-xumeyn u geystay gabadha yar ee uu adeerka u ahaa.

Waxaa wali socoto dhageysiga maxkamada ka dhanka ah ee deysanaha. Iyada oo warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Essen ayaa arrintan aad u hadalheyso.

Xigasho/kilde: Boga wararka Soomaalida Jarmalka.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments