Listhaug: Gudi xaqiiqo-raadin haloo saaro sababta uu Coronavirus ugu badnaa ajaaniibta qaarkood.

0
80
Sylvi Listhaug. Foto: Statsministerens kontor.

Gudoomiyaha xisbiga Frp, aheydna wasiirkii hore ee soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inay rabto in gudi xaqiiqo raadin ah la saaro, sababta keentay in dadka ajaaniibta ah uu ku bato qaaditaanka xanuunka Covid, iyo in la baaro in arintaas ay xiriir la leedahay isdhexgal yaraan bulshada ee dadka ajaaniibta ah.

Listhaug ayaa sheegtay in la gaaray waqtigii arrintan laga hadli lahaa, maadaama hada ay dowladu ku guuleysaneyso xakameynta xanuunka Covid-19. Waxeyna sheegtay in wixii hada ka horeeyay aan qodobkan laga hadli karin, maadaama ay socotay shaqada wax ka qabashada feyruska Corona.

Gudoomiyaha Frp ayaa sheegtay inay rabto in la saaro gudigan xaqiiqo raadinta ah, si loo qiimeeyo qeybta isdhexgal la aanta bulshada ee dadka ajaaniibta ah ay ka qaadatay faafitaanka feyruska Corona. Iyo sida ay arrintaas xiriir ula yeelan karto dhibaatooyin kale oo laga yaabo in mustaqbalka ay Norway ka dilaacaan.

Lishtuag oo hadalkeeda sii wada ayaa sheegtay in wixii hada ka horeeyay ay dowladu isku dayeysay inay qariso dhibaatadan ama aan si furan looga hadlin. Waxeyna sheegtay in ajaaniibta qaarkood ay daacad u yihiin oo ay inta badan raacaan xubnaha qoysaskooda iyo qabiilka, in ka badana inta ay raacaan talooyinka iyo xeerarka dowlada Norway.

Wasiirka Caafimaadka ah: Dhibaato ma aanan qarin.

Wasiirka caafimaadka Norway Bent Høie ayaa iska fogeeyay eedynta ah in dowlada ay qarisay dhibaatada coronavirus ee dadka ajaaniibta ah, wuxuuna sheegay in faafitaanka badan ee xanuunka ee bulshooyinka ah aysan ka turjumeyn in ajaaniibtu aysan raacin talooyinka iyo sharciyada dowlada.

Dhanka kale wuxuu Bent sheegay in loo baahanyahay in aqoon dheeri ah la kala helo dhibaatooyinka ay Listhaug ka dhawaajisay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments