Norway oo u yeertay safiirka Mareykanka: In saaxiibadu is jaajuusaan, wax la aqbali karo ma ahan.

0
100
Foto: Eirin Larsen

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway ayaa wadahadal xasaasi ah ugu yeertay safaarada dowlada Mareykanka ay ku leedahay dalkan Norway, kadib markii ay soo baxday in dowlada Denmark ay Mareykanka ka caawisay basaasisada iyo dhageysiga madaxda dalal ay Norway kamid tahay.

Idaacada dalka Denmark ee Danmarks Radio ayaa ayaa maalmo kahor fashilisay xog xasaasi ah oo ku saabsan in dowlada Demark ay sirdoonka Mareykanka ka caawisay dhageysiga madaxda iyo siyaasiyiinta dalalka Norway, Sweden, Germany iyo Faransiiska.

Wasiirka gaashaandhiga Norway, Frank Bakke-Jensen oo ka qeybgalay kulanka canaanta ah oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Norway la yeelatay safaaradda Mareykanka ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali karin in dowlado saaxiibo ah ay is jaajuusaan, isdhageystaan ama is basaasaan.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa dhanka kale wadahadal dhanka telefoonka ah la yeelatay dhigeeda dalka Denmark, Mette Frederiksen. Waxeyna sheegtay inay la qeybqasatay dareenka dowlada Norway ee ah inaan loo baahneyn, aana la aqbali karin in dowlado saaxiib ah ay is baasaasaan.

Xigasho/kilde: Regjeringen til USA: – Spionasje er uakseptabelt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments